Xukuumada Somaliland oo Cadaysay Qorshaha ay ka Leedahay Xarunta Dhismaha Bardaha Ceerigaabo

0
150

“Barduhu waana hanti dawladeed, waxaana laga dhisayaa Maxad, Masaajid iyo Madarasad wax lagy Barto” Wasiirka Hawalaha Guud

 Ceerigaabo (Dawan) Bulshada ku nool gobolka Sanaag gaar ahaan magaaladda Ceerigaabo ayaa muddooyinkii u danbeeyay siyaabo kala duwan uga hadlayay dhismaha xarunta Bedraha, iyaga oo sheegaya in cid gaar ah laga iibinyo.

Haddaba Wasiirka wasaaradda Hawalaha Guud Dulka iyo Guryaynta iyo masuuliyiinta wasaaradaasi oo safar shaqo ku tagay magaalada Ceerigaabo, ayaa soo kormeeray dhismayaasha dawlada ee magaaladda Ceerigaabo.

Wasiirka Hawalaha Guud Dhulka iyo Guryaynta Somaliland Mustafe Maxamuud Cali Bille, ayaa ka hadlay waxa ay ka xukuumad ahaan ka damacsan yihiin dhismayaasha xarunta Bardaha Ceerigaabo, oo uu sheegay in wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, ay soo codsatay shismayaashaasi si ay uga dhisto Masaajid, Madarasad iyo Maxad laga barto culuumta Islaamta iyo Kalaamka EEBE.

Wasiirka Hawlaha Guud Dhulka iyo Guryaynta Somaliland ayaa yidhi “Barduhu marka hore waa meel dawladeed, waa dhisme dawladeed, waana hanti dawladeed, Bardaha waxa soo codsaday wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, wasiirka ayaa soo qoray waraaq ay ku qoran tahay in uu doonayo inuu meeshaasi ka dhigo Masaajid, Machad wax lagu barto iyo Madarasad wasaaraduna way ku waafaqday wasiirkii iga horeeyay ayaa waraaqadaasi qoray, wasaarada Awqaafta ayaa lagu wareejiyay meshaasina waxaa laga dhisayaa Madarasad, Masaajid iyo Maxad.

Dad badan oo suuqa galiyay warar been abuur ahna waxba kama jiraan, cid laga iibiyna ma jirto, iibka waa la habayn doonaa, dhul badel ahna waa loo samayn doonaa dadkuna sodon sanadood in ka badan ayay ku jireen, mana lahan ee waa meel dawladeed waxaana looga faa’iidaynaa dan guud iyo waxbarasho’’