Xukuumadda JSL oo Shaacisay in Ayax ka Dilaacay Xeebaha Dalka

0
115

Hargaysa (Dawan): Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay inuu dalka soo galay Ayax, kaas oo dalka ka soo gallay dhinaca xeebaha ay Somaliland la wadaagto dalka Yemen.

Wasiirka wasaardda Beeraha Somaliland C/qaadir Iimaan Warsame, oo arrintaasi warbaahinta kala hadlay ayaa sheegay in Ayaxasi, uu dalka ka soo galay dhinaca xeebaha wadanka Yaman.

Waxaanu tilmaamay wasiirku in hadda Ayaxaasi uu soo gaadhay xeebaha goboladda Awdal, iyo Selel, isla markaana uu marayo deegaamadda Ceel-gaal, Kaloonlay, Caruurley, iyo Gar-gaara Barri, Cabdi Geedi.

Waxaanu yidhi “Ayax qaan gaadh ah ayaa soo gudbay, oo la yidhaahdo Swam. Waxaanu doonaynaa in aanu xogta Ayaxaasi la wadaagno dhamaanba dadka reer Miyiga, iyo Beeralayda, iyo Tuullooyinka xeebaha ku teedsan. Waxaanu idinka codsanaynaa inaad na soo war gelisaan haddii aad aragtaan Ayaxa.

Hadda waxa uu marayaa ama ka bilaabmay oo uu joogaa xeebaha Awdal, iyo Selel. Waxaanu soo maray Ceel-gaal, Kaloonlay, Caruurley, iyo Gar-gaara Barri. Waxa kaloo uu fadhiyaa Cabdi Geedi”.

Wasiirka Beeraha Somaliland waxa kaloo uu sheegay in Ayaxaasi aanu hadda wax khatar weyn ah ku haynin deegaanka, balse haddii uu helo Kulayl ku filan, iyo roobab waaweyn in ay Ugaxaantiisu si deg deg ah u dilaaci karto.

“Meelaha xeebaha ah, waa halka uu Ayaxu Ugaxaanta dhigto. Ugaxaantaasi ilaa afar todobaad ayay ku dilaacdaa. Marka ay hesho Qorax, ama kulayl gaadhaya 35 degree ah, ama roob. Waa xaalad u wanaagsan inay ku dilaacdo Ugaxanata Ayaxu. Markaa waa in loo diyaar garroobaa.

Haddii aanay kulayl ku filan, ama roob weyn helin, waxay ugaxaanta Ayaxu ku dilaacdaa shan ilaa lix bilood kadib. Waan la soconaa dhaq-dhaqaqqiisa. Wax khatar weyn ahi imika ma jirto, balse waa digniin ah in Ayaxii inagu bilaabmay, sidaan uga hor tegayno ama ugu diyaar garoobayno na, waa in aynu samayno” ayuu yidhi C/qaadir Iimaan Warsame.

Geesta kale c/qaadir Iimaan Warsame, waxa uu sheegay in sidoo kale Ayaxaasi uu soo gaadhay dhinaca xeebaha gobolka Saaxil. Waxaanu yidhi “Dhinaca xeebta gobolka Saaxil, wuxuu imika Ayaxu ka joogaa dhinaca Galbeed, ee Berbera dushaada ba ah. Waxaanu u soo bixi karaa xagga Buuraha, ee ay beeruhu ku yaalaan. Sida Laaso-dawaco, Biyo-guurre, Bixin-duule, iyo deegaamadda ku hareeraysan.

Waana in aan u diyaar garrowno xukuumad ahaan, wasaarad ahaan, iyo beeralayba. Waxaanan kula talinayaa beeralayda, in ay sameeyaan Dhawaqyo, ama Sanqadh. Sida in ay Daasado tumaan, ama in ay Qiiq ku shidaan, haddii ay arkaan Ayaxa, ka hor inta aanu idiin imanayno”.

Ugu danbayn wasiir C/qaadir Iimaan, waxa uu sheegay in ay ka wasaarad ahaan u diyaar garroobeen sidii Ayaxaasi, dalka ka soo gallay ay uga hor tegi lahaayeen.

“Ka wasaarad ahaan waanu u diyaar garrownay. Qalabkii oo dhami waa noo diyaar. Gaadiidkii, iyo shaqaalihii na waa noo diyaar. Waxa kaloo aanu haynaa daawooyinkii lagu buufinayay Ayaxa” ayuu yidhi wasiirka Beeraha Somaliland.