Dhalinyaro Aamina Qarankiina” Wasiirka Arrimaha Gudaha

0
134

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa dhallinyarada JSL, ku booriyay inay aaminan Qarannimada, waxaanu sheegay in waxa kaliya ee xaqsiinaya in  ay tahay Qarannimada.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Qabyaalada dhadhan fara badan lagu hayo, balse waxa uu xusay in aanay qabyaaladu mustaqbalka dhalinyarada aanu u fiicnayn, waxna aanay uga tarayn.

Waxaanu yidhi.“Dhallinyarooy waa in aad aamintaan Qarannimadiina, sababto ah waxa kaliya ee idin xaqsiinaya waa Qarannimada.

Waxa imika aad loo aaminsan yahay waa Qabyaalada oo dhadhan fara badan ayaa lagu hayaa, balse dhallinyarooyin mustaqbalkiina difaacimayso Qabyaaladu, idina xaqsiinmayso, idina horumarinmayso”