Dowladda Hoose ee Hargeysa oo Gubtay Bariis Waxyeello bulshada leh

0
175

Hargeysa (Dawan) Dowladda hoose ee caasimada Hargeysa ayaa shalay meel fagaare ah ku gubtay raashin wakhtigiisu dhammaaday, kaas oo ahaa bariis.

Fagaarihii lagu gubayay bariiskaas wakhtigiisu dhammaaday, waxa goob joog ka ahaa duqa Caasimada Hargeysa Mudane Cabdikariim Axmed Mooge, maayer ku xigeenka, Khadar-nuur Axmed Cumar, iyo xoghayaha dowladda hoose Siciid Nuur Jaamac, saraakiil ka tirsan ciidanka booliska iyo masuuyiin kale.

Masuuliyiinta dowladda hoose ee Hargeysa ayaa sheegay in Bariiskaasi halis ku ahaa caafimaad qabka  bulshada ku nool caasimada JSL, ee Hargeysa.

Geesta kale waxa ay sheegeen masuuliyiinta dowladda hoose in bariiskaas wakhtigiisu dhammaaday in ay soo qabteen isla markaana ay gacanta ku hayeen muddo dhawr toddobaad ah.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen in maxkamadda ay uga soo fasax qaateen in la gubo isla markaana bulshada laga basriyo bariiska dhacay.

Bariiskan oo ka soo galay xuduudka Somaliland la wadaagto Jabuuti ayay ka soo gaaleen gaadiidka waday oo 4 ahaa.

“Bariis, halis ku ah caafimaadka dadka bulshada caasimada Hargeysa iyo dhammaan Somaliland oo aanu muddo dhawr toddobaada ka hor qabanay, ayaanu maanta gubnay kadib  markii ay maxkamaddu noo fasaxday in aanu gubno.

Bariiska la gubay ayaa waxa uu qiyaas ahaan dhamma 90 tan, waxaana ay saarnaayeen Afar gaadhi oo waa wayn”.Ayaa lagu yidhi war ka soo baxay dowladda hoose Hargeysa.