Wasiirkii hore ee warfaafinta oo ka hadlay Dhaliilaha loo Jeediyo Warbaahinta Dawladda

0
155

Hargeysa (Dawan) Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta JSL,  ahna wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa ka hadlay dhalliilaha loo jeediyo Warbaahinta dowladda, waxaanu sheegay in   Warbaahinta Qaranku aanay ahayn meel dadka laga caayo.

Sidoo kale waxa uu xusay in cidkasta oo masuul ah oo wasaaradda xil ka qabata aanay suuragal ka ahayn  inay ka aqbasho  in warbaahinta Qarannka lala soo fadhiisto waxa ay wiilasha Youtuberska ahi ay leeyihiin.

Waxaanu yidhi.“Wasaaradda afar waaxood ayaa aad uga shaqeeya halbowlena u ah warbaahinta, waa Telefishanka Qaranka, Radio Hargeysa, Wakaalada wararka iyo Wargeyska Dawan.

Waa run dadku way cannaantaan warbaahinta Qaranka, waxa la yidhaahda meelaha dayacaayadaha kuwa kale gaadhsiiyaan wasaaraddu ma gaadhsiiso, haa ma gaadhsiin karto, wasaaraddu cidna ma caydo beena masheegto, waa Warbaahintii Qaranka, reer hebela kama sheekayso, cidna ma caydo, dadku waxay doonayaana waa qof qof caayaa, balse haday barnaamij tahay iyo haday tayo tahayba iyo haday wax soo saar tahayba iyo haday bulshada hagisteeda tahayba intaba way ku fiican tahay, warbaahinta Qarankana qabiil qabiil kale caayaya lama gayn karo,.

Waxaan leeyahay cidkasta oo masuula oo qabataana suuragal marna ma noqonayso in warbaahinta Qarannka lala soo fadhiisto waxa ay wiilasha Youtuberska ahi ay leeyihiin, balse in bulshada la hago sidii dalka loo difaacilahaana loo sheego, in bulshada caafimaadka lagala taliyo waa waxa ay u aasaasan tahay, wasaaradduna waxa ay midaysa dhammaan wasaaraddaha dalka oo dhan”