Golaha Guurtida oo Shahaado Nabadeed siiyay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag

0
172

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa shahaado nabadeed   guddoonsiiyay guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse (Axmed Isdabar).

Guddoomiye Saleebaan ayaa sheegay in uu shahaado sharaftan ku mutaystay, nabadeynta beelaha walaalaha ah ee gobolka Sanaag, taas oo marar kala duwan oo la isku dayay in nabadgelyo la dhex dhigo beelahaasi oo aan si dhab ah u hirgelin, balse guddoomiyahani ku guulaystay, xidhista nabada beelahaasi.

Munaasibada lagu guddoonsiinayay shahaado sharafta oo ka dhacday xafiiska guddoomiyaha golaha guurtida, waxa goobjoog ka ahaa shir-guddoonka golaha guurtida, guddidii goluhu u saaray xasilinta xaalada Ceel-afweyn, iyo xildhibaano, waxaanu ku ammaanay guddoomiye Axmed Cabdi Muuse, in uu markasta ka shaqeeyo xasilinta nabadgelyada iyo horumarinta gobolka Sanaag, isla markaana uu golaha kala shaqeeyo arrimaha nabadeynta.

Waxaanu yidhi. “Magaciina iyo magaca golahaba aadbaanu ugu boggaadinayna oo ugu mahadnaynaa, in uu shaqo fiican gobolka ka hayo idinkana idinla qabtay, aadbaad u mahadsan tahay guddoomiye,”

Guddoomiyaha gobolka Sanaag mudane Axmed Cabdi Muuse, ayaa golaha guurtida uga mahadceliyay shahaadada nabada ee ay ku maammuuseen.

“Waad mahadsan tahay guddoomiye aad iyo aad ayaan idinka mahadcelinayaa, shahaadada aad igu maamuusteen, ina garateen,”Ayuu yidhi guddoomiye Axmed Cabdi Muuse guddoomiyaha gobolka Sanaag.