Ciyaaryahan Dani Alves oo lagu Wado in lagu Xukumo 9 Sano oo Xabsi ah

0
138

Dacwad oogaha Spain ayaa u raadinaya xabsi sagaal sano ah ciyaaryahankii hore ee Barcelona iyo Brazil Dani Alves kaasoo lagu wado in lasoo taago maxkamad isagoo lagu eedeyay inuu haweeney ku faraxumeeyay gudaha Barcelona sannadkii hore, sida Khamiistii lagu sheegay bayaan kasoo baxay maxkamadda.

Alves, oo xabsiga lagu hayay tan iyo markii la xiray bishii Jan. 20-keedi, ayaa lagu eedeeyay in uu si xun u weeraray haweeney ku jirta suuliga aagga VIP-da ee baar lagu caweeyo oo ku yaalla Barcelona subaxnimadii hore ee Disembar 31-keedi, sida uu muujinayay dukumentiga maxakamadda.

Alves ayaa hore u sheegay in isaga iyo haweeneydan ay raalli iskaga ahaayeen wadajirkooda.

Xeer Ilaaliyaha ayaa sidoo kale codsaday in amarka xayiraada lagu soo rogo Alves kadib mudada xabsiga iyo in 150,000 oo Yuuro (163,605.00) oo magdhow ah la siiyo haweeneyda.

Bishii Agoosto, maxkamad ku taal gobolka Barcelona ayaa si rasmi ah u dacweysay Alves kadib markii ay heshay cadaymo muujinaya khalad uu sameeyay 40-jirkan, iyadoo markii dambe go’aamisay in la helay cadeymo ku filan oo maxkamad lagu soo taagayo.

Waddanka Spain, dambiyada ka dhasha eedeymaha noocan ah ayaa keeni karaan xabsiyo u dhexeeya 4 ilaa 15 sano.