“Dalkeena waa in Aynu Difaacnaa,Amarka Dagaalka Waxaa Bixiyay Garaadada Garoowe Tegay”Wasiir Cali Marreexaan

0
196

Ciidanka Qaranka oo Dhirbaaxo Kulul ku Dhuftay Maleeshiyo Is Bahaysatay oo Weerar ku soo Qaadday Shacabka Somaliland ee Sool

 

Hargeysa(Dawan):- Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cali Xasan Maxamed(Cali Marreexaan),ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Garaadada Laascaanood dabka geliyay in ay wali dadka dagaal  ugu baaqayaan oo ay dab ku shidayaan isla markaana Somaliland duullaan ku yihiin,waxaanu intaa ku daray in Somaliland diyaar u tahay in ay dadkeeda iyo dalkeeda ba ay difaacdo isla markaana aanay cidna ka aqbalayn in ay duulaan gar darro ah ku soo qaaddo Somaliland.

Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in Garaadada Garoowe jooga ay doonayaan in ay dhibaatada iyo xaaladda colaadeed ee Garoowe ka taagan in ay usoo waaridaan Somaliland taas oo ah mid aan u soconayn,waaanu yidhi,Saaka(shalay) dagaal  ayaa la innagu soo qaaday, eeriyada  Buqdharkayn waa in aynu difaacnaa dalkeena,amarka weeararkaa  waxa bixiyay gudida garaadada ee Laascaanood ka tegay ee jooga Garoowe waxa ay doonayaan buuqa  ka taagan Garoowe in dadkooda ku dagaal geliyaan oo dadka ay yidhaahdaan ka kacaay. waa layna soo weeraray in Garoowe nabed hesho ayay ku dagaal galiyeen dadkoodii  waa mid nasiib darro ah.”Geesta kale wsaaradda Arrimaha gudaha Somaliland oo war saxaafadeed ka soo saartay duulaanka cadawgu kusoo qaaday shacabka Somaliland ee aagga Buqdharkayn,ayaa sheegtay in ciidanka qaranku ka difaacay shacabka duulaanka huwantu ku soo qaaday isla markaana dhirbaaxo kulul gaadhsiiyay cadawga argagixisada iyo huwanta Puntland laga soo abaabulay.

 

 

War-saxaaxafeedka wasaaradda arrimaha gudha oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska Dawan,ayaa u dhifnaa sidan. “Waxaa saaka(shalay) soo weeray dadka shacabka ah ee degaanka Buq-dharkayn ee Gobolka Sool, Kooxda Argagixisada ah, Huwanta ka Dagaalanta Bariga Magaalada Laascaanood iyo Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaliya.

Dadka degaanka Buq-dharkayn oo gacan ka helaya Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxay gaadhsiiyeen kooxaha Huwanta iyo argagixisada khasaare aad u wayn waxayna ku dhufteen dhirbaaxo kulul.

Kooxaha Huwanta ah ayaa caaddaystay in ay weeraro joogto ah ku soo qaadaan dadka shacabka ah ee degaanada Buq-dharkayn iyo Qorilugud.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay qaadayaan tallaabooyin aanay mahadin doonin cadawga soo duulay,waxayna difaacayaan karamada iyo sharafta dadkooda shacabka ah.