Komishinka Xakamaynta HIV AIDS oo Kulan La Qaatay Culimada Gobolka Awdal

0
77

Qore:Boqore A. Cabdi

Borama(Dawan) Komishinka Xakamaynta HIV AIDS ee gobolka Awdal ayaa shalay kullanka baraarug u qabatay qaar ka mid ah culimada gobolka iyo macalimiinta wax ka dhiga madaariista magaalada Boorama kuwaasi oo lagu barto culuumta diinta Islaamka.

Isu’duwaha xakameynta HIV/AIDS ee gobolka Awdal, Nimco Deeq Cali, ayaa sheegtay sababta ay culimada u doorteen in ay tahay in goobo kala duwan ay wax ku baraan carruurta, sida Madaarista, Iskuulada iyo Masaajidada, si ay u baraarujin sidoo kalena waanooyin kala duwan u siiyaan.

Sidoo kale waxa ay xustay in markasta ay Culimada u qabtaan kulamo ay ku farayaan wacyigelinta xannuunka HIV AIDS iyo sidii ay bulshada ugu baraarujin lahaayeen khatarta uu leeyahay xanuunka iyo sida ugu wanaagsan ee ay uga feejignaan karaan.

Macalinkii culimada siinayay casharada baraarujinta ah ayaa sheegay in xannuunka HIV/AIDS uu la mid yahay xannuunada kale, waxaanu tilmaamay in qof kasta bulshada meesha uu kaga jiro in wacyigelintii loo dhiibay uu sideeda ugaadhsiiyo, haddii ay Culimada tahay, hadday askarta tahay iyo haddii bulshada qaybaheeda kala duwan tahayba, waxaanu xusay in ay muhiim tahay in masuuliyad wadareed la iska saaro sidii bulshada looga wacyigalin lahaa xanuunka AIDS-ka.

Dhanka kale waxa uu is dul taagay waxyaabaha ugu mudan ee lagu kala qaadi karo xannuunkan in ay ka mid yihiin, Dhiig qofkii lagu shubo oo aan laga baadhin, irbad uu isticmaalay oo aad isku mudo, macaamil aan diintu banayn oo labada qof sameeyaan ama tu bannaanba oo aan la isbaadhin, waxaanu intaas ku daray in waxa kaliya ee lagaga hortagi kara ay tahay in qofkii aqoon wanaagsan u leeyahay xannuunkani iyo sida uu ku faafo.

Gebo’gabadii kulankan ayaa lagu kala qaatay xogo mihiim ah ku saabsan sidii ay culimada gobolka Awdal iyo macalimiinta Madaaristu ay kaalintooda u qaadan lahaayeen si bulshadu u hesho wacyigalin joogto ah, ma ahan markii u horaysay ee Komishanka Xakamaynta HIV AIDS ee gobolka Awdal ay bulshada qaybaheeda kala duwan u qabtaan kulamo noocan ah balase waa mid ay mar kasta ku baraarujiyaan bulshada inay ka digtoonaadaan halista iyo khatarta xanuunkan.