Hay’adda Sirdoonka oo Qabtay Saanad iyo Agab Kale Oo La Sheegay In kooxaha Huwanta Laascaanood loo Wadday

0
103

Hargeysa (Dawan)- Hay’adda ugu saraysa amniga Somaliland NIA ayaa gacanta ku dhigtay saanad dagaal iyo agab kale oo la sheegay in kooxaha Huwanta Laascaanod loo waday.

Qoraal khamiistii lagu baahiyey barta rasmiga ee Twitter-ka NIA ayaa lagu sheegay in saddexdii cisho ee la soo dhaafay ku daba jirtay saanado dagaal oo ku wajahan kooxaha ka dagaalama Laascaanood.

Hay’adda ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtey 200- oo taayir, oo u badan noocyada gaadiidka dagaalka loogu talagalay.

Wararka ayaa intaa ku daray in hay’addu gacanta ku hayo eedayneyaal qalabka lala qabtay, inkastoo tiradooda aan la sheegin.

Sidoo kale, hay’adda Amniga ayaa todobaadkii hore gacanta ku dhigtay laba gaadhi oo siday saanad hub loo waday kooxaha huwanta ka dagaalama Laascaanood.

Hay’adda Sirdoonka Qaranka ayaa isbedel weyn dhinaca hawlgalada sameeyey tan iyo markii hogan cusub loo magacaabay bil horteed, isla markaana bulshaduna si weyn u soo dhoweysay dedaaladda iyo talaabooyinka lagu adkaynayo amaanka dalka ee madaxda iyo hawlwadeenada hay’adu muddada gaaban sida weyn ugu guulaysteen qabashadooda.