Xukuumadda oo Qalab Kalluumaysi Ku Wareejisay Kalluumaysata Sanaag

0
133

Maydh (Dawan) Wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Siciid Sulub Maxamed oo safar shaqo ku tagay degmooyinka Xiis iyo Maydh ee gobolka Sanaag, ayaa waxa uu Kalluumaysata degmooyinka ku wareejiyey qalab Kalluumaysi oo Dhamays Tiran, kaasi oo ay kaga maarmi doonaa baahi kasta oo dhinaca qalab la,aanta ah.

Wasiir Siciid waxa uu sheegay in qalabkan uu ugu tallo galay doonyaha badda galaya, kuwa soo xidhanaya, kuwa wax ka dhoofinaya iyo kuwa shaqeeya intaba inay ku hawl galaan, wax-soo-saarka baddana ay xoojiyaan si looga maarmo waxyaabaha dibeda laga soo dhoofinayo.

Sidoo kale wasiirka Xanaanada Xoolahu waxa uu sheegay in qiimaha lacagta kaga baxday qalabka loo qaybiyay Kalluumeysatada degmooyinka Xiis iyo Maydh iyo Sariibada Ceerigaabo ay dhan tahay shan boqol oo kun oo dollar, taasi oo uu sheegay in aanay ka xukuumadd ahaan ahmiyad u lahayn lagactaasi badan balse ay awooda saarayaan sidii loo xoojin lahaa, loona dhiirigalin lahaa kalluumaysatada iyo wax-soo-saarka badda.

Geesta kale wasiirku waxa uu daahfuray Sariibadii u horraysay ee Kalluun ee ay yeelato magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, taasi oo lagu iibin doono kaliya kalluunka laga soo saaro baddaha dalkeena, si ay u isticmaalaan dadkeenu khayraadka dhulkeen.

Waxgaradka, madax-dhaqameedka iyo Kalluumeysatada degmooyinka Xiis iyo Maydh ayaa wasiirka uga mahadnaqay qalabka uu guddoonsiiyay, waxaanay sheegeen inay wax weyn ka tari doonto hawlahooda shaqo iyo wax-soo-saarka maalinlaha ah ee ay ku shaqeeyaan, waxaanay xuseen inay baahi wayn u qabeen in ay helaan qalab ay u adeegsadaan soo saarida iyo ka shaqaynta kalluulka.

Gaba-gabadii waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ku kor joogtayn doonto dadka loo qaybiyay qalabkaasi lacagta adagi ku baxday, waxaanu faray inay ilaashadaan oo aanay dayacin, waxaanu waxgaradka iyo ganacsatada gobolka Sanaag ku adkeeyay sidii dekadda Maydh u shaqayn lahayd, wax soo-saarkeenada looga dareemi lahaa dhammaan gobolada dalka oo dhan.