Furitaankii Kalfadhiga 7-aad ee Golaha Wakiillada JSL oo Dib loo Dhigey Sababa jira Awgood

0
117

Hargeysa (Dawan) Kalfadhigii toddobaad ee golahaa wakiillada Somaliland ayaa loo dhigey, sidda lagu shaaciyay war ka soo baxay xarunta golaha wakiillada.

Kalfadhiga toddobaad ee golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa qorshuhu ahaa in uu furmo 2/12/2023, balse hadda muddo laba toddobaad ah ayaa dib loo dhigey.

Sidoo kale Warka soo baxay xafiiska guddoomiyaha golaha ayaa lagu xusay in sababaha keenay dib udhaca ay ka mid yihiin xildhibaano badan oo hawlo shaqo ugu baxay gobollada dalka, sida Awdal, Sanaag iyo Togdheer iyo kuwa dalka dibeddiisa u baxay.

Geesta kale waxa warkan lagu sheegay in xildhibaano ka tirsan golaha wakiiladu ay ku maqan yihiin hawlgalka xaalado nabadgelyo.

Waxa sidan lagu sheegay war qoraala oo ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Mudane Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), waxaanu u dhigna sidan.

“Waxaan go’aan saday in aan dib u dhigo Kalfadhigii 7-aad ee golaha wakiillada JSL, muddo laba toddobaad ah, oo ka bilaabmaysa 2/12/2023, kuna dhammaanaysa 15/12/2023, goluhu waxa uu furmi doona haddii ILLAAHEY yidhaahdo 16/12/2023 kuna began maalin Sabti ah”