Fadhigii Golaha Guurtida oo Kooram La’aan u Baaqday

0
166

Hargeysa (Dawan) Fadhigii shalay ee golaha Guurtida Somaliland ayaa u baaqday kooram la’aan, taas oo macnaheedu yahay in tirada xidhibanada soo xaadiray ay gaadhi waayeen tiradii la doonay in sharciyan goluhu ku furmo..

Golaha guurtidda Somaliland, oo ka kooban 82 xildhibaan, ayaa inta badan fadhiyada golahaasi waxaa uu sharcigu dhigaya 42-mudane, ahna tirada koramka, islamarkaana haddii tiradaasi la waayo aanay suurogal ahayn in fadhigaasi furmo.

Caadi ahaan koramka la doonayo in uu ku buuxsamo fadhiga maalinlaha ah ee golaha guurtiddu ayaa ah 42 muddane.

Xughayaha guud ee golaha guurtidda Somaliland, garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi, ayaa mid mid u xaadiriyay magacyada 82-ka mudane ee golahaasi ka kooban yahay.

Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha guurtidda Mudane Siciid Jaamac Cali, oo shir-guddoominayay fadhigii shalay ee golahaasi ayaa sheegay in koramku aanu buuxsamin, waxaanu mudanayaasha aan koram soo xadirin uu ku wargeliyay in ay maalinta Sabtida ee toddobaadka soo socda soo dadaalan haddii ALLE Idmo.