Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada oo kormeeray dugsiga farsamada gacanta Hargeysa

0
69
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL Cabdixakiim Siciid Bustaale ayaa kormeer ku tagay dugsiga farsamada gacanta ee magaalada Hargaysa.
Kormeerkan oo ay ku wehelinayeen maamulka dugsiga farsamada gacanta, shirkada dhisaysa dhismaha dugsiga farsamada gacanta ee Hargaysa iyo Ingineero ka socday Wasaaradda Hawlaha guud iyo guryeynta ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee dhismayaasha cusub.
Maamulka dugsiga farsamada gacanta ayaa markii uu kormeerku soo dhamaaday halkaa ka warbixiyay xaalada dugsiga marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray iyo ta hada dugsigu ku jiro. Isagoo ku dheeraaday muhiimada dugsigani u leeyahay guud bulshawaynta reer Soomaaliland.
Wasiirka oo dhankiisa halkaa ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimada dugsigani leeyahay, isagoo xusay kaalinta uu ku leeyahay soo saarista jiil ku hubaysan xirfadaha kala duwan.