Wasiirka Cadaaladda oo furay Shirka Bilaha ah ee Garsoorka Carruurta

0
86
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JSL Md Saleebaan Warsame Guuleed ayaa maanta furay shirkii bilaha ahaa ee daneeyayaasha bahda caddaaladda caruurta (Justice for children thematic work group) Ujeedada Shirka ayaa ahayd in lasoo bandhigo xogtii laga soo uruuriyey saldhigyadda booliska iyo Xabsiyadda Dalka.
Sidookale Waxa Lagu Falanqeeyey xogtii laga soo
uruuriyey xabsiyadda iyo saldhigyadda ee
jamhuuriyadda somaliland.
Shirkan oo ay bil walba qabato wasaaradda caddaaladda JSL ayaa diradda lagu saraa sidii loo yarayn lahaa danbiyadda ay galaan caruurta sharciga khilaafta isla markaana xadhigood loogu badali lahaa xarumo dhagan celineed oo wax lagu baro si loo helo caruur bad-qabta.
Waxana Kulankaa Kasoo Qaybgalay Xubno ka socday
Wasaarada Arimaha Gudaha, Maxkamada Sare, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka,
Wasaaradda Ciyaaraha, Booliska, Clidanka Asluubta, Xeer ilaalinta, MESAF, HAVAYOCO ,UNICEF , UNSOM, BAAHI-KOOB, KOMISHANKA XUQUUQUL INSAANKA, AWDO, S.Y. PEER
& Gudida Xaafadaha, Badiba Gudida Xaafadaha Caasimada Hargaisa & Social Workers.