Falanqeeyayaasha siyaasadda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Afrika ayaa ku eedeeya Shiinaha inuu wiiqayo fiditaanka dimuqraadiyadda gobolka, isaga oo kor u qaadaya xisbiyada talada haya, korna u qaadaya waxa ay Beijing u aragto faa’iidooyinka xukunka hal xisbi.
Ka faa’iidaystayaasha xaalado badan ayaa ah dhaqdhaqaaqyadii hore ee xoraynta kuwaas oo ku guuleystay halgankii lagaga soo horjeeday gumaysiga iyo xukunka caddaanka-tiro-yar tobanaan sano ka hor, inta badan waxay helayeen taageerada Shiinaha. Hadda waxay u abaabulan yihiin sidii xisbiyo siyaasadeed oo maamula, tan iyo markaas ayay xukunka sii hayeen, iyada oo inta badan lagu eedeeyo inay cabbudhinayaan mucaarad kasta.
Aaladda ugu weyn ee saamaynta Shiinuhu waa $40 milyan oo dugsi tababbarka siyaasadda ah oo fadhigeedu yahay Tansaaniya waxaana si wada jir ah u aasaasay sannadkii hore xisbiga Shuuciga Shiinaha (CCP) iyo lix dhaqdhaqaaqyadii hore ee xoraynta koonfurta Afrika.
Mid kasta oo ka mid ah lixdan waddan ee ka qaybgalaya dugsiga – Tansaaniya, Namibia, Koonfur Afrika, Zimbabwe, Mozambique iyo Angola – waxaa xukumay hal xisbi tan iyo markii ay xornimada qaateen. Waxay la magac baxeen FLMSA.
Xisbiga shuugiga Shiinaha CCP waxay kaga faa’iidaysatay tan fursad ay Afrika ugu rarto qaar ka mid ah barnaamijyadeeda siyaasadeed iyo fikradeeda,”. Paul Nantulya oo ah aqoonyahan Shiinaha iyo Afrika ayaa ka sheegay dugsiga warqad dhawaan la daabacay oo loogu talagalay Xarunta Afrika ee Daraasaadka Istaraatiijiyada.
“Lixda xisbi ee FLMSA waxay diiradda saarayaan sidii ay midba midka kale u taageeri lahaayeen si ay u ilaashadaan xukunkooda ka dhanka ah khataraha la dareemayo,” Nantulya ayaa sharraxday. “Erayga CCP ee kan waa ‘weiwen,’ oo macneheedu yahay ‘dayactirka xasilloonida’ ama ‘badbaadinta nidaamka.’
“Dugsiga hoggaanka ee Nyerere waa dugsigii ugu horreeyay ee siyaasadeed ee CCP ay ka dhisto dibadda, waa tallaabo geesinimo leh oo uu qaaday xisbi inta badan dafira in uu horumariyo nidaamkiisa siyaasadeed ee dibadda. Dugsigu waxa uu awood u siinayaa CCP nidaan qarsoon oo ay si habaysan Afrika ugula wadaagto qaabkeeda maamul,” ayuu Nantulya sii raaciyey.
“Dugsigani wuxuu CCP siinayaa guri joogto ah oo sanadka oo dhan is dhexgalka lala yeesho xisbi kasta shaqaalihiisa cusub iyo kaadirka sare ee xisbiga. Tani waxay ka dhigeysaa meel faa’iido leh si loo qaabeeyo siyaasadaha saaxiibtinimada Shiinaha ee xisbiyada xoreynta Afrika iyo saameynta mustaqbalka fog.”
Shiinuhu wuu diidaa in uu door ku leeyahay in xisbiyada talada haya ay xukunka sii hayaan madaxda ay xidhiidhka la leeyihiin.
“Kuma faragelinno doonitaanka waddamada Afrika ee ku aaddan waddo horumarineed oo ku habboon xaaladahooda qaran. Ma faragalino, mana ku soo rogayno rabitaankeena Afrika,” ayuu qoray Liu Pengyu, afhayeenka safaaradda Shiinaha ee Washington isaga oo ka jawaabaya su’aasha VOA.
VOA ayaa sidoo kale waydiisay in Shiinuhu si siman ula macaamilo xisbiyada mucaaradka ah ee Afrika.
“Marka ay timaado xidhiidhka xisbiyada iyo xisbiyada, Xisbiga Shuuciga ee Shiinaha wuxuu diyaar u yahay inuu si qoto dheer u dhexgalo xisbiyada siyaasadda iyo ururada dalalka oo dhan, oo ay ku jiraan kuwa Afrika. Waxaan raadineynaa aragtiyo la wadaago waxaana ballaarineynaa danaha wadaagga ah,” Liu ayaa yidhi.
Maraykanku waxa kale oo uu tababar ku saabsan habka maamulkiisa siiya xisbiyada siyaasadeed ee ajnabiga ah iyada oo loo sii marayo Congress-ku maalgeliyay National Endowment for Democracy, kaas oo website-kiisu uu sheegay in ay ka go’an tahay kobcinta hay’adaha dimoqraadiga “oo ay ku jiraan xisbiyada siyaasadda, ururada shaqaalaha, suuqyada xorta ah iyo ururada ganacsiga” iyada oo taageeraya “Xuquuqda aadanaha, saxaafad madax-banaan, iyo ku dhaqanka sharciga.”
Laakin Shiinuhu laftiisu waa dawlad hal xisbi ka kooban, Ray Hartley, oo ah agaasimaha cilmi-baadhista ee Brenthurst Foundation, oo ah xarun cilmi-baadhiseed oo fadhigeedu yahay Johannesburg, ayaa sheegay in jiritaanka dugsiga Tansaaniya ay dhibaato leedahay.
“Waxay khusaysaa in dugsigan gaarka ah loogu talagalay hoggaamiyeyaasha ‘dhaqdhaqaaqyada xorriyadda’ oo kaliya, gaar ahaan maadaama ay barayso caqiidada ah in xisbigu uu noqdo mid awood leh oo uu ku buufiyo garsoorka.”
“Zimbabwe, Mozambique, Angola iyo Tanzania, dawladahan dhaqdhaqaaqa xoreynta ah waxay xukunka hayeen tobanaan sano, kamana labalabayn inay hoos u dhigaan hababka dimoqraadiyadda si ay sidaas u sii socdaan,” Hartley ayaa ku daray.
Marka laga reebo qaar xusid mudan sida xisbiga Koonfur Afrika ee African National Congress party, Nantulya ayaa sheegtay in xisbiyo badan oo hore u xoroobay “ay badi u dulqaadan waayeen caqabadaha mucaaradka waxayna adeegsadeen tillaabooyin kala duwan oo ay ku caburinayaan, xakameynayaan iyo xitaa burburinayaan xisbiyada mucaaradka.”
Mid ka mid ah tusaale ahaan Zimbabwe, oo ay maamulayeen dhaqdhaqaaqii hore ee xorriyadda ee ZANU-PF tan iyo 1980-kii, oo doorashadiisa sanadkan ay hareeyeen wax isdabamarin baahsan, sida ay qabaan kormeerayaasha.
Iyadoo waddamo badan oo reer galbeed ah ay walaac ka muujiyeen codbixintii Zimbabwe, haddana Beijing waxay u hambalyeysay qofka ku guuleystay doorashada, madaxweynaha xisbiga talada haya ee Emmerson Mnangagwa.