Xogururin Laga Sameeyay Jaamacadaha Culuumta Caafimaadka Dalka

0
106

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, ayaa qabatay kulan lagu eegayay natiijada kasoo baxday xog-ururin lagu soo sameeyay Jaamacadaha dalka ee bixiya Culuumta Caafimaadka gaar ahaan dhakhaatiirta, si loo hubiyo inay bilaabeen hirgellinta Manhajkii cusba ee loo diyaariyay in lagu tababaro dhakhaatiirta.

Kulankan waxa goobjoog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, agaasimaha Komishanka tacliinta sare, agaasimaha Komishanka Xakamaynta Xannuunka HIV/ADIS-ka, agaasimaha Mihnadlayaasha caafimaadka, madaxa hay’adda THET, Madaxa Kings Glopal Health Partnership, agaasimaha Waaxda cududda shaqaalaha, Mudan iyo Marti Sharaf kale.

Masuuliinta kasoo qayb-gelay Kulankan oo dhamantood hadalka iska daba qaatay ayaa bogaadiyay Xog-ururintan iyo in la helo Manhaj ay ku midaysan yihiin Jamaacaddaha bixiya Culuuta Caafimaadku si kor loogu qaado aqoonta ay qaadanayaan ardaydda baranaysa Caafimaadka gaar ahaan Dhakhaatiirta.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo kulankan hadalo kala duwan ka jeediyay ayaa dhankiisa sheegay in ay muhiim tahay helida Manhaj midaysan oo ay adeegsadaan Jaamacaddaha kala duwan ee dalka ee bixiya Culuumta Caafimaadku, isagoo u mahadceliyay Jaamacaddaha ilaa hadda isticmaalay Manhajkan cusub, waxaanu kuwa aan ilaa hadda isticmaalin ugu baaqay inay isticmaalan maadaama oo ay Jaamacadduhu yihiin kuwa soo saara dhakhaatiirta kala duwan ee u adeegaya Bulshadeena.