Wasiirka Biyaha JSL oo la Shiray Hay’addaha ay Wada Shaqeeyaan

0
127

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda horumarinta Khayraadka Biyaha mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa kulan la yeeshay hay’adaha Caalamiga iyo kuwa maxaliga ah ee wada shaqaynta la leh Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha.

kulankan oo ahaa mid wadatashi waxaa lagu lafa guray mashaariicda Biyaha ee guud ahaan ka socda dalka iyo qorsha- hawleedka biyaha ee Sanadka 2024.

Shirkan waxa kale oo ku weheliyay wasiirka agaasimaha guud ee Wasaaradda Eng Cabdiraxman Farax Belel iyo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta.

Wasiirka oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi

“Waad ogtihiin in biyuhu yihiin waxa ugu horeeya ee nolosha bini’aadamka, isla markaana aanu sinaba uga maarmi karin, sidaasi darted biyuhu Qaranka iyo wasaaraddaba waxa ay u yihiin mudnaanta koobaad’’.

Wasiirka wasaaradda Kheyraadka Biyaha Somaliland ayaa ugu baaqay dhammaan Hay’addaha la shaqeeya inay la yimaadaan qorshe cad oo ay kuwada shaqeeyaan kaasi oo uu sheegay uu wax wayn ka tari doono shaqooyinka iyo hawlaha qaranka iyo u adeegista Bulshada waxaanu yidhi

“Waxaan rabba in aynu u wada shaqayso si leh mug iyo miisaan ay ku dheehan tahay aqoon iyo qorshe, waxan kale oo u baahan nahay in aan gaadhno dadka ay hayso biyo yaraatu ama biyaha hela, xigmada ugu weyn ee jirta waxa weeyi in aynu dadkii biyo siino inta aynu awoodno.

Waxa qorshaheenu yahay in aynu isu nimaadnoo oo kawada hadalo, Qorshaha wasaaradda iyo ka hay’adduhu ka shaqeeyaan, waxa kale oo aan jecelahay in cidkasta garato masuuliyadeeda, oo xuduudaha ka dhaxeeya wasaaradda iyo hay’adduhu ay kuwada shaqeeyaan ay noqoto mid cad.

Xeerka 2011 waxa uu koobaya masuuliyada wasaaradda biyuhu leedahay, hay’addaha si gooni gooni ah ayaanu ula kulmi doonaa, waxa aynu sameyn doona qorshe cusub iyo qaab aynu kuwada shaqaynayno, dhulka buuraha iyo togagu inagaga gudban yihiin masuuliyad ayaa innaga saaran, cidkasta oo hawlaha biyaha ka shaqaysa waxa qorshahayagu yahay in aanu sidhaw uwada shaqayno, goobaha ay rabbaan hay’adduhu inay ka fuliyaan mashaariic horumarineed waa in ay kala tashadaan wasaaradda biyaha’’.