Mashruuc Baanka Aduunku Fulinayo oo Laga Dhagax Dhigay Gobolka Togdheer

0
151

Burco (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta reer miyiga Siciid Sulub Maxamed iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi, ayaa si wada jira u dhagax dhigay Dhismaha Mashruuca Barwaaqo ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ee gobolka Togdheer, kaasi oo uu fulinayo Baanka adduunku, kaasi oo ka mid ah Mashruuca Biyoole ee Barwaaqo.

Dhismaha Mashruucani waxa dhisaysa shirkadda dhismaha Al karaama Constraction iyo Constract Company. Munaasibadda dhagax-dhiga mashruucan waxa ka soo qayb galay, wasiirka iyo agaasimaha guud ee wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga, madaxda Mashruuca Barwaaqo iyo Qaar ka mida agaasime waaxedyada Wasaaradda, mudan iyo marti sharaf kale.

Ibraahin Cumar Cismaan iyo Cabdiqaadir Maxamed Guuleed oo ka socday Mashruuca Barwaaqo, ayaa sheegay in dhismahan shalay la dhagax dhigey mashruuca Barwaaqo waxtar weyn u leeyahay Qaranka.

Axmed Maxamuud Cismaaan oo ka socday shirkada dhismahan nasiibka u heshay inay dhisto ayaa ballanqaday inay hirgalin doonan dhisme tayo, isla markaana ku dhamaan doona wakhtiga loo qabtay dhismaha xarunta.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Xannaanada xoolaha iyo Horumarita Reer Miyiga Mudane Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in dhismahani wax badan ka tari doono baahiyaha wasaaradda lagunna adeegi doono bulshada xoolo dhaqato beeraleyda.

Wasiirka wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Siciid Sulub Maxamed, isaga oo ka waramay qaabka dhismaha iyo sida ay uga faaiidaysan doonan mashruucan, ayaa bulshada gobolka Togdheer ku adkeeyay inay ilaashadaan wixii kaga soo hagaaga mashruuca Barwaaqo iyo hirgalintiisa waxaanu yidhi ‘’Saaka waxa aynu dhagax dhignay xafiis cusub oo looga dhisi doono si loogu fuliyo hawlaha qaran ee wasaaraddu u hayso qaranka, kaasi oo ay aad wasaarddu aad ugu baahnayd, xafiiskaasi maalgelintiisa waxa samaynaya Baanka Aduunka mashruuca Barwaaqo ayuu ka soo baxayaa.

Mashruuca Barwaaqo oo markii horena biyoole ahaa wasaaraddaha shanta ah ee ku bahoobay inay u dedaalaan wixii mucaawimo ah ee la siiyay in ay sidii saxda ahayd u baxdo oo qolo walba waxa ay u baahnayd loo qabto ayaa qorshahayagu ahaa, mashruucaasi oo barrigii hore si qaldan loo qaybiyay wasaaradihii wax-soo-saarka ee wasaaradda Xannaaanada Xooluhu ka mid ahayd iyo Beeraha dhaqaalaheeda loo yareeyay, anagu waxaan ku dedaalaynaa intii yaray dee lana siiyay in aanay naga dhicin’e wakhtigeedii aanu ku isticmaalno, si aanu u helno wixii baahi ah ee kale ee aan codsano ee aanu u baahan nahay’’.