Wasaaradda Cadaaladda JSL oo Ruqsadii kala Noqotay Qaar ka Mid ah Nootaayooyinka Dalka

0
125

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda caddaalada Somaliland ayaa shalay ruqsadihi kala noqotay qaar ka mida nootaayooyinka ka hawlgala gudaha dalka, maanta (Shalay) oo taariikhdu tahay 29/11/2023, sida uu dhigayo qodobka 18-aad ee Xeerka Nootaayooyinka Xeer Lr: 18/2001, kuwaas oo sifo sharciga waafaqsan looga laalay ruqsadihii ay haysteen Waana sidan.

Sidoo kale wasaaradda caddaaladu waxay fartay in Nootaayooyinka in wixii dhokmentiska ah iyo shaambadaha ah ay ku wareejiyaan isu-duwaha gobolaka Awdal iyo agaasimaha Waaxda Mihnadlayaasha Sharci iyo Marin uhelida Caddaaladda sida uu dhigayo Qodobka 7-aad farqadiisa 3-aad ee Xeerka Nootaayooyinka Xeer Lr: 18/2001, waxaaney wasaaraddu intaas ku dartay in sifo sharciga waafaqsan looga laalay ruqsadihii ay haystee, waxaaney kala yihiin sidan:-

Daljir, Xayaat, Midnimo, Jamhuuriya, Dal dhis, Xaqdoon iyo Ramad kuwaas oo ka hawlgala gobollada Maroodijeex iyo Awdal.

Warkan ka soo baxay wasaaradda caddaalada Somaliland waxa ku saxeexna wasiirka wasaaradda caddaalada JSL, Mudane Saleebaan Warsame Guuleed.