Shirkadda Caalamiga ah ee ALS Worlwide iyo Somaliland oo Heshiis kala Saxeexday

0
119

Hargeysa (Dawan)- Shirkadda caalamiga ah ee ALS Worlwide oo ka shaqaysa qaadista alaabaha iyo fududaynta adeegyada gaadiidka ayaa heshiis is-af-garad la saxiixatay Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland.

Heshiiska ayaa shirkadda ALS Worlwide u saamaxaya inay xarun tababar oo ay sharciyaysan ka aasaasto gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo lagu tababari doono darawaladda iyo dadka ku shaqeeya farsamada Mishiinnada.

Heshiiskan ayaa sidoo kale u oggolaanaya shirkaddan ALS Worlwide inay dejiso hannaanka la socodka gaadiiska galaya Itoobiya iyo guud ahaan baria Afrika si loo helo xog sugan oo ku saabsan hadba goobta ay marayaan gaadiidku iyo waxa ay sidaan.

Dale Calked) oo ah agaasinka maamulka ee ALS Worlwide ayaa sheegay in arrintani ay dammaanad qaadayso in shirkadaha gaadiisku helaan qiimayaasha saxda ah ee ay ka qaadi karaan dadka ganacsatada ah.

Bishii August ee sannadkan ayaa shirkaddan ALS Worldwide, hawl galladeeda soo gaadhsiisay magaalada Berbera, halkaas oo ay qayb ka noqon doonto shaqooyinka dekedda ka socda ee DP World iyo shaqada culus ee ka socota waddada isku xidha Somaliland iyo Itoobiya. Waxaanay isla wakhtigaa shirkaddani heshay oo ay qaadatay liisammada ganacsiga iyo gaadiidka ee ay kaga dhex shaqayn doonto Somaliland, iyada oo hore u haysatay Liisammadeeda Itoobiya.

ALS Worldwide ayaa quudarraynaysa inay ka faa’idaysato waddada cusub ee Wajaale (Wajale Corridor) ee tagta Addis Ababa. Ballaadhinta DPworld ee dekedda Berbera oo ah mid qaybo kala duwan leh, ayaa la filayaa inay fududayso habsami u socodka ganacsi u dhigma 27% wax soo saarka dhaqaalaha gudaha ee Somaliland ama GDP.

Dhinaca Somaliland heshiiska waxa u saxiixay wasiirka ganacsiga iyo dalxiiska Somaliland Maxamuud Xasan Sacad, dhinaca ALS Worldwide-na waxa uu qalinka ugu duugay Sadiiq Jaamac.