Xaaladda Fatahaadaha iyo Daadadka Dalka Kenya Oo Kasii Dareysa

0
104

Dowladda Kenya ayaa Isniintii ku boorisay dadka ku nool meelaha u nugul fatahaadaha inay u guuraan dhul sare, iyadoo roobab xooggan iyo daadad ay weli dhibaato ka geysanayaan Bariga Afrika oo dhan. Ugu yaraan 76 qof ayaa ku dhintay, 40,000 oo kalena waxa ay ka barakaceen guryahoodii tan iyo markii ay roobabku ka billowdeen dalka bishii Oktoobar.

Madaxweyne William Ruto ayaa shir degdeg ah isugu yeeray golaha wasiirada Isniintii, waxa uuna sheegay in 38 ka mid ah 47-da ismaamul ee Kenya ay saameeyeen fatahaadaha, islamarkaana dhiiqo guur ay uga sii dartay xaaladda El Niño.

Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen Maxamed ayaa sidoo kale xusay “cudurro dillaacay, burburka kaabayaasha dhaqaalaha iyo hantida iyo sidoo kale koronto la’aan daba dheeraatay” oo ka jira guud ahaan Kenya iyo gobolka. Meelaha ugu darran ee ay saameeyeen fatahaaduhu waa magaalooyinka xeebta ah ee Mombasa iyo Malindi, islamarkaana gobolka waqooyi ee Kenya ee xuduudda la leh Soomaaliya, ayey sidoo kale saameyn xooggan ku yeesheen fatahaadaha.

Magaalada Gaarisa waxaa ka barakacay kumannaan qof kadib markii guryahooda ay xaaqeen daadadka. “Dhammaan waddooyinka waa ay burbureen. Xitaa ma garanayo halka ay dadku aadi doonaan,” waxaa sidaas wakaaladda wararka ee AP u sheegay Joel Ngui oo deggan Gaarisa.

Waddooyin badan iyo buundooyin ayaa xaaqmay ama qeybo ka mid ah burburay, taasi oo adkeyneysa in la gaaro dadka ay daadadku go’doomiyeen. Dadka ku nool hareeraha Wabiga Tana oo ah kan ugu weyn dalka Kenya ayaa hoy la’aan iyo gaajo noqday kadib markii uu qararka jabsaday.

Marian Ware, oo ah carmalad iyo hooyo shan carruur ah haysata, ayaa la baxsaday carruurteeda kadib markii gurigeeda ay la tageen biyaha. Waxay hoy cooshado ka sameysan ka dhisatay dhul sare. “Ma haysan cid i caawisa, ninkeyga waxa uu dhintay waqti dheer ka hor,” ayay tidhi. “Waxaan ku dhibtooday sidii aan caruurteyda u gaarsiin lahaa meel ammaan ah. Markii aan dib u laabtay, wax walba waa ay tageen.”

Ruto ayaa Axadii hawl galiyay Xarunta Hawlgalka Musiibooyinka Qaranka balse waxa uu ka gaabsaday in uu ku dhawaaqo in daadadku yihiin xaalad deg deg ah Afhayeenkiisa, Xuseen, ayaa sheegay in taasi isbedeli karto “haddii arrimuhu faraha ka baxaan, haddii arrimuhu ka sii daraan.”

Waaxda saadaasha hawada ee Kenya ayaa ka digtay in roobabka lixaadka leh ay sii socon doonaan ilaa sanadka cusub. Soomaaliya, tirada dadka ku dhintay fatahaadda ayaa dhaaftay 100 Isniintii. Sidoo kale, Itoobiya, 44 qof ayaa ku dhintay.