Guddoomiyaha Komishanka Tamarta Qaranka oo xilka la wareegay

0
158
Guddoomiyihii hore ee tamarta Qaranka Somaliland, ayaa xilkii ku wareejiyay guddoomiyaha cusub ee tamarta.
wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Cabdillaahi Faarax Cabdi, ayaa xilka u kala wareejiyay Gudoomiyaha cusub ee Komishanka Tamarta JSL Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Suufi iyo Gudoomiyahi hore  Mudane Ahmed Faarax Cadare oo dhawaan xilka laga bedelay.
Munaasibada xilwareejinta waxa ka soo qayb galay masuuliyiinta Koomishanka tamarta, guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayada, shirkadaha bixiya adeega laydhka iyo marti sharaf kale.
Gudoomiyahi hore ee Komishanka Tamarta Mudane Ahmed Faarax Cadare, ayaa sheegay in xidhiidhka ka dhaxeeya Koomishanka iyo shirkadaha bixiya adeega laydhka xidhiidhkoodu aad u fiican yahay, waxaanu faray guddoomiyaha cusub in wax badan oo hawshoodu socotay dhawaan u hirgeli doonaan.
Gudoomiyaha cusub ee Komishanka Tamarta JSL Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Suufi, ayaa balanqaaday in uu ka shaqayn doono sidii bulshada Somaliland u helilahayd adeeg laydh oo jaban, waxaanu xusay in xooga saari doonaan sidii higsiga iyo himilada Koomishanka tamarta ay uga midha-dhalinlahaayeen, waxa uu hoosta ka xariiqay inay wada shaqayn dhaw la yeelan doonaan daneeyayaasha tamarta.
Gaba-gabadii masuuliyiintii ka soo qayb galay munaasibada xilwareejinta labada masuul ayaa masuulkii horena u duceeyay ka cusubna soo dhaweeyay, waxaanay boggaadiyeen hawlaha shaqo ee Qaranka uu u hayo Koomishanka tamartu.