Afartan Sanno ayuu Dalkiisa Cadaw u Basaasay Isagoo Xil Sare Hayay

0
144

Diblomaasi hore oo Mareykan ah oo safiir ka soo noqday Bolivia ayaa lagu eedeeyay inuu basaas u ahaa dowladda Cuba in ka badan 40 sanno. Victor Manuel Rocha, oo 73 jir ah, ayaa lagu eedeeyay inuu Cuba ka caawiyay ururinta xogo ka dhan ah Mareykanka tan iyo 1981-kii.

Mr Rocha waxa uu Mareykanka ugu yeedjhay “cadow” wuxuuna ku andacooday in shaqadiisii ahayd basaaska qarsoon “ay xoojisay Kacaanka”, sida lagu sheegay waraaqo maxkamadeed. Dublamaasigan hore ayaa Jimcihii lasoo dhaafay lagu xidhay magaalada Miami kadib howlgal qarsoodi ah oo socday in ka badan sanad, sida ay sheegtay waaxda cadaaladda ee Mareykanka.

Xeer Ilaaliyaha Guud Merrick Garland ayaa sheegay in kiisku uu yahay “mid ka mid ah xad gudubkii ugu sareeyay uguna cimriga dheeraa” ee dowladda Mareykanka ku sameeyay basaas ajnabi ah.

“In ka badan 40 sano, Victor Manuel Rocha waxa uu ahaa basaaska dawladda Kuuba, waxaana uuna jagooyin ka raadinayey dawladda Maraykanka taas oo u sahlaysa inuu helo macluumaadka aan lala wadaagin bulshada iyo awoodda uu ku saameyn karo siyaasadda dibadda ee Maraykanka,” ayaa yidhi Mr. Garland.

Waa kumaa Rocha?

Rocha Wuxuu ku dhashay Colombia, wuxuuna wax ku soo barbaaray magaalada New York isagoo shahaadooyin ka qaatay jaamacadaha Yale, Harvard iyo Georgetown. Wuxuu soo noqday safiirka Mareykanka ee Bolivia intii u dhaxeysay 1999 ilaa 2002, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha, sidoo kale wuxuu dowladda ka soo qabtay dhowr jago – oo uu ku jirto Golaha Amniga Qaranka – oo uu ahaa 25 sano. Marka laga soo tago Bolivia, wuxuu sidoo kale ka soo shaqeeyay Argentina, Honduras, México iyo Dominicana Republica

Maraykanka iyo Cuba ayaa waxaa ka dhexeeyey xidhiidh aan wanaagsaneyn tan iyo markii Fidel Castro uu afgambiyay dowlad uu Mareykanka taageero 60 sano ka hor.

Maraykanku waxa uu 1960-kii Cuba ku soo rogay cunaqabatayn ganacsi. Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama iyo Madaxweynihii hore ee Cuba Raul Castro ayaa sanadkii 2015 qaaday tillaabooyin lagu hagaajinayo xidhiidhkooda, inkastoo Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu markii dambe wax badan ka bedelay.

Dukumiintiyada maxkamada oo Isniintii lasoo bandhigay ayaa muujinaya in Mr Rocha uu safaro badan ku tagay Cuba, halkaasoo uu ka caawiyay horumarinta danaha mas’uuliyiinta Cuba laga soo bilaabo 1981 ilaa hadda.

Dukumeentiyadu waxa ay bixinayaan faah-faahin yar oo ku saabsan xogta la sheegay in Mr Rocha uu la wadaagay Cuba, balse waxa ay muujinayaan hawlgalkii qarsoonaa ee FBI-da ee lagu soo xiray.

Bishii Noofambar 2022, sarkaal ka tirsan FBI-da oo is qariyay ayaa Mr Rocha kula xidhiidhay WhatsApp, isagoo sheeganaya inuu yahay wakiil ka socda Adeegyada Sirdoonka Cuba oo gaarsiinaya farriin ka timid “saaxiibadiisa Havana”, dukumeentiga dacwadda ayaa sidaas lagu yidhi.

Seddex kulan oo uu la yeeshay basaaska qarsoodiga ah ee FBI, Rocha wuxuu bilaabay inuu bixiyo faah-faahin ku saabsan waqtigii uu sida qarsoosiga ah ula shaqeynayay dowladda Cuba, sida lagu sheegay dukumentiga dacwadda ee lagu soo eedeeyay.

“Waan garanayay sida saxda ah ee loo sameeyo, waxaana cad in Dirección [hay’adda sirdoonka Cuba] way ila socdeen… waa hawl dheer mana ahayn wax fudud,” Mr Rocha ayaa lagu eedeeyay inuu sidaas u sheegay wakiilka FBI-da.

Wuxuu si joota ula socday oo uu dabaaldegay hawshiisa” isagoo u shaqaynaya sida basaas u shaqeeya sirdoonka Cuba, dacwad oogayaasha ayaa sidaas yidhi.

Mr Rocha ayaa lagu eedeeyay in ereyga “anaga” uu u adeegsaday Cuba iyo naftiisa markii uu la kulmay basaaska FBI .

Markii wakiilka oo iska dhigaya basaas Cuban ah, uu waydiiyay “wali ma nala joogtaa?” Mr Rocha waxa uu ku jawaabay in uu ka cadhooday in su’aalo la waydiiyo daacadnimadiisa.

“Waxay la mid tahay inaan su’aal gelinayo raganimadayda,” ayuu yidhi.

Dhacdooyin 1996-kii, dhacay Havana isaga oo ka shaqaynayay Havana, ayaa sababay dhimashada afar nin.

Diblomaasigii hore ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu dowladda Mareykanka siiyay warar been abuur ah oo marin habaabin ah iyo in uu sameeyay hadallo been abuur ah oo uu ku doonayay in uu ku helo dukumeenti socdaal, sida ay sheegtay waaxda cadaaladda.

Warbixin kooban oo uu jeediyay Isniintii, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka, Matthew Miller, ayaa sheegay in wasaaraddu ay kala shaqeyn doonto hay’adaha sirdoonka Mareykanka si loo xaddido waxyeellada ka dhalan karta xadgudubka amni ee lagu eedeeyay.