Maxay tahay qorraxda macmalka ah ee ay Japan sameeynayso

0
188

Dowladda Japan ayaa wadda qorshe ay ku hirgalinayso qorrax macmal ah, taas oo ay doonayso in ay isticmaasho.

Saynisyahanno u dhashay dalkaasi ayaa hadda rajeynaya inay hammiga dowladdooda ay ka dhigaan mid xaqiiqo ah oo farsameeynaya qorraxada ayada oo la isticmaalaayo tiknolajiyadda.

Mashruuca hirgalinta qorraxda macmalka ah ee Japan ayaa la daahfuray waxaana siynisyahannadu ay sheegeen in la isticmaali doono tamarta nukliyeerka oo ah tan ugu awoodda badan adduunka.

In kasta oo mashruucaan uu yahay mid billow ah, haddana saynisyahannada qaar ayaa u arka in ay tahay xalka baahida tamarta mustaqbalka ee bani’aadamka.

Maxaa laga sameyn doonaa qorraxdda macmalka ah?

Saynisyahannada Japan ayaa shaaciyay in ay sameeynta qorraxdaan macmalka ah u adeegsan doonaan tamarta nukliyeerka oo lagu daray atamyo kale kuwaas oo lagu magacaabo (nuclear fusion)

Waa qorshe ay khubarrada tiknoolajiyadda tamarta nukliyeerka muddo tobnaan sano ah baaritaanka ay ku wadeen, waxayna aaminsan yihiin inay noqon karto isha tamarta deegaanka.

Cilmi-baarayaashu waxay xaqiijiyeen inay ka gudbeen caqabad weyn oo arrintan ku saabsan taas oo ah in qorraxdu ay dhalinayaan ay noqon karto mid la isku hallayn karo.

Waxaa kale oo khuburradu ay sheegeen in hannaanka lagu dhalinayo qorraxada macmalka loo isticmaali doono cunsur culus oo soo saara tamarta qaab iftiin iyo kulayl ah, iyada oo la jaanqaadaysa hababka gudaha qorraxda macmalka ah.

Warshadda lagu sameyn doono qorraxda ayay saysinyahannadu tilmaameen in aanay ahayn mid khatar ah oo qarxi karta sida tii Fukushima, Japan ee 2011 oo kale.

Hirgalinta mashruucaan waxaa gacan ka siinaya dowladda Japan isbahaysi ka kooban 31 shaybaar oo reer Yurub ah kuwaas ka faa’iidi doona marka mashrruca uu mirodhal noqdo

Dowladda Japan waxa ay ka mid tahay dalalka ugu horreeya dhanka tiknolojiyadda caalamka, waxaana horey ay u hiraglisay mashruucyo waaweyn oo ku saabsan nukliyeerka iyo tamarta oo ah mid si weyn ay ugu faa’iiidday.

Muhiimadda hirgalinta qorraxda macmalka ah ee Japan

Waxaa laga hirgalinayaa meel u dhow Machadka Qaranka ee Sayniska iyo Tiknoolajiyadda ee Japan (QST) oo ku yaal waqooyiga magaalada Tokyo.

Hadii uu hirgalo waxaa uu noqonaya mid ka mid ah ilaha tamarta kaarboon-la’aanta ah iyo tamar ‘nadiif’ ah sida uu sheegay agaasimaha Machadka Qaranka ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada ee Japan Sam Davis.

Sam Davies oo la hadlay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP ayaa sheegay in sameynta qorraxdaan macmalka ay tahay natiijada iskaashiga u dhexeeya in ka badan 500 oo saynisyahanno iyo injineerro ah iyo in ka badan 70 shirkadood oo ka kala yimid Yurub iyo Japan oo dhan.

Hirgalinta mashruucaan ayaa waxaa ku baxay dhismihiisa wejiga koobaad adduun lacaga ah oo dhan 560 milyan oo Yuuro, taas oo ay bixin doonan Yurub iyo Japan.

Madaxa Tamarta ee Midowga Yurub Kadri Samson ayaa ka sheegtay in tallaabadan ay tahay mid horumarsan adduunka gaaray iyo guul taariikhi ah oo la taaban karo.

Mahruuc “qorraxda macmalka ah” waxaa horey u bilaabay dowladda Shiinaha oo hirgalisay waxaana bishii Abriil ee sanadkan tijaabo lagu sameeyay lagu ogaaday in ay leedahay kuleeyl xad dhaaf ah .