Maan Arag Meel Aan Ka Gabayo!

0
130

Qabiilka Quraysha ee Rasuulka Allah (scw) uu ka dhashay  oo aad uga soo horjeeday, ayaa la galay halgan adag oo ay wax kasta adeegsadeen Rasuulka (scw).

Odayaashii Quraysh ayaa maalin u yeedhay gabayagii caanka ahaa ee “Xasaan Binu Sabit”, oo aan wakhtigaa islaamin waxaana ay siiyeen maaliyad lacag ah oo badan, waxaana ay ku bedesheen inuu gabay xun u tiriyo Rasuulka Allah (scw).

Gabayaaga Xasaan ayaa is taagay meel uu soo socday Rasuulka Allah (scw) si uu u arko oo markaana sifaadka iyo calaamadaha uga muuqda uu uga gabayo.

Rasuulka Allah (scw) wuu soo maray, laakiin Xasaan waxa uu waayay meel uu uga gabayo oo xumaan kaga tilmaamo. Waxaa uu qaaday lacagtii oo uu ku celiyay madaxdii Quraysha waxaana uu ku yidhi “ Waa taasi lacagtiini anigu baahi uma qabo” Arinka doonayseen inaan ka gabayana waxaa qirayaa Allaha iyo Rasuulkiisu inay xaq yihiin.

Madaxdii Qurayshi waxay ku tidhi “ Maxaa dhacay? Wixii aanu ku dirayba maaha arinkan aad noo sheegaysaaye?

Gabayaaga Xasaan Binu Saabit ayaa ugu jawaabay gabayga ay ka mid ahaayeen baytatkan: “ Markii aan arkay iftiinka Nuurkiisa, Waxaan gacantayda saaray indhahayga ( Indho daardar awgeed iyo Nuur badan awgeed)”  Anigoo uga baqanaya quruxda nuurkiisa ( ku indha beelo), awood uma lahayn inaan eego”. Waxaana uu ahaa markii danbe gabayaagii Rasuulka Allah (scw).