Madaxweynaha oo Xil ka Qaadis iyo Magacaabis ku Sameeyay Xubno ka Mid ah Golahiisa Wasiirada

0
230

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne waxa uu xilkii kaga qaaday wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Cabdiraxmaan Xirsi Jaamac Dhooble iyo Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdi-naasir Cumar Jaamac.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi sidoo kale waxa uu u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdirisaaq Muuse Faarax Cawad, halka uu Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland u magacaabay Saleebaan Jaamac Diiriye Guuleed.

Sidaana waxa lagu sheegay wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, wareegtadaasi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Dawan, iyada oo dhammaystiran waxay u dhignayd sidan “

WAREEGTOOYIN MADAXWEYNE: 10 /12/2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne uu xilka qaadis, magacaabid iyo bedel ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

  1. Ku: Cabdiraxmaan Xirsi Jaamac Dhooble

Wasiirkii Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

  1. Ku: Cabdi-naasir Cumar Jaamac

Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u haysay ee Wasiirkii Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Geesta kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wareegtooyin madaxweyne ku magacaabay masuuliyiintan.

Waxaanay u dhignayd sidan:-

Ujeeddo: Magacaabid.

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hannan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

  1. In Cabdirisaaq Muuse Faarax Cawad laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland.
  2. In Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu Rooda Jaamac Cilmi Cabdulle laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga.
  3. In Saleebaan Jaamac Diiriye Guuleed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland”