“Diinteenna iyo Dhaqankeennu ba Waxa ay Ina Farayaan in aynu Xuquuqda Aadanaha Ilaalino”

0
214

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta JSL, Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa fagaare ka balanqaaday inay suulinayaan meeshana ka saaraan dhaqanada aan habbooneyn, waxaanu faray hay’addaha xuquuqal iinsaanka iyo bahda Suugaanta in ay wacyigelin ka sameeyaan carruurta yar yar ee la soo turo, kuwaas oo uu sheegay in xaaladoodu ay tahay mid naxdin iyo argagaxle.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Diinta Islaamku dadka farayso in la ilaaliyo xuquuqda qofka bini’aadamka.

Wasiir Cali waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay xuska maalinta xuquuqda aadamaha Qaranka oo lagu qabtay magaalada Hargeysa. Waxaanu yidhi “Innagu dad Muslima ayaynu nahay baaqyada u waaweyn ee ku jirana waxa ka mid ah qofku in uu xor ku dhashay.

“Diinteenna, dhaqankeenna, Caqligeena iyo caqiidadeennu ba waxa ay inna farayaan in aynu xuquuqda aadanaha ilaalino, iyada oo wax inagu khasbayaa aanu jirin.

Carruurta agoonta ah ee aan aabaha lahayn ama la soo tuuro, waa xaalad naxdin leh oo argagaxa, una baahan in wacyigelin badan laga sameeyo.”

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta JSL, Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), waxa uu intaasi ku daray “Haddii aanu nahay wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta waxa aanu u baahanahay culimada, hay’addaha xuquuqal insaanka, bahda suugaanleyda, in hawshaasi wacyigelin ballaadhan laga sameeyo, doorweyna ka qaadano sidii dhaqanka xun ee aan wanaagsanayn loo baabi’in lahaa, koomishanka xuquuqal insaankuna wuu ku mahadsan yahay in uu bannaanka keenay arrintan sidii wax looga qabanlahaa”.