Wasiir Ku Xigeen Xilka laga Qaaday oo u Mahadceliyay Madaxweynaha JSL

0
108

Hargeysa (Dawan)- Wasiir kuxigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah Cabdinaasir Cumar Jaamac, ayaa Madaxweyne Muuse Biixi uga mahadceliyay xilka qaranka ee uu ka nasiyay shalay.

Wasiir kuxigeenkii hore ee Arrimaha Dibaddu wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu soo saaray oo u dhignaa sidan:-

“Ugu horayn Ilaahay baa Mahad iska leh, mar labaad, waxaan mahad ballaadhan halkan uga celinayaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maanta iga fadhiisiyay shaqadii aan qaranka u soo hayay muddo ku siman 6 sanno oo aan ka soo shaqeeyay Wasaarado kala duwan, kuna soo shaqeeyay duruufo kala duwan.”

“Sidoo kale waxaan halkan uga mahad celinayaa guud ahaan hawl wadeennada Wasaarada Arrimaha Dibadda oo ugu horreeyo Wasiirka Wasaarada Arrrimaha dibadda oo aanu laba sanno iyo dheeraad soo wada shaqaynay.

Waa sunaha dawladnimo in xilka qaranka marba qof hannan kara loo dhiibo,” ayuu yidhi Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Khaarajiga Cabdi Naasir Cumar Jaamac.

Wasiir ku-xigeenkaasi waxa kale oo uu soo maray Wasiir kuxigeenka Wasaaradaha Horumarinta Caafimaadka iyo Warfaafinta.