Masuuliyiinta Xafiiska UK ee JSL iyo Shirgudoonka Guurtidda oo ka Wada Hadlay Doorashooyinka

0
93

Qore Boqore Axmed Cabdi.

Hargeysa (Dawan) Masuuliyiinta Xafiiska Ingiriiska ee Somaliland ayaa saaka kulan la qaatay Shir-gudoonka Golaha Guurida Somaliland iyo Xubno ka mid ah Mudanayaasha guurtida, kulankaasi ayaa waxa goob joog ahaa la taliyaha dhinaca siyaadada Arrimaha Debida ee Golaha Guurtida Marwo Faadumo Siciid.

Masuuliyiinta Xafiiska Dawaladda Ingiriiska ee Somaliland ayaa sidoo kale waxa ay ka xog-waraysteen Shir-gudoonka Guurtida halka ay marinyaan Xeerkii isa-saarka Doorashooyinka oo horyaala Golaha Guurtida, waxa kale oo kulan lagu soo qaaday sidii xafiiska Dawladda Ingiriisku ugala shaqayn lahaa Golaha Guurtida dhinaca siyaasada arrimaha Debada, nabadgelyada, doorashooyinka, xaalada Laascaanood iyo arrimo kale..

Kulankan ayaa waxa ay ka wada hadleen labada shinac sidii wada shaqayn joogta ah looga yeelan lahaa danaha siyaasadeed iyo xidhiidhka Golaha Guurtida iyo Xafiiska Ingiriiska ee Somaliland.

Gaba-gabadii warbaahinta oo dibed joog ka ahayd waxa faahfaahin ka siisay waxyaabihi kulanka lagaga wada hadlay la taliyaha siyaasada arrimaha dibeda ee Golaha Guurtida Marwo Faadumo Siciid.

Waxaaney tidhi.“Kulankayagu waxa ujeedadiisu ahayd isbarasho, wada shaqayn, arrimaha doorashooyinka, xeerarka isa saarka doorashooyinka ee golaha guurtida horyaala, nabadgelyada, xaalada Laascaanood, waxyaabo kale oo mihiimana shirka waanu kaga wada hadlay”