Afduubihii Dilka Isku Xukumay! Qisada: Hablihii Ohoi

0
185

Mudadii u dhaxaysay 2002 iyo 2004, Ariel Castro waxa uu Michelle Knight, Amanda Berry, iyo Gina DeJesus ka afduubay waddooyinka Cleveland, Ohio ka dibna waxa uu ku xidhay gurigiisa No: 2207 Seymour Avenue ee xaafadda Tremont ee magaaladaasi.

Ariel Castro waxa uu ku dhashay bishii July 10 sanadkii 1960 (Julaay magaalada Duey oo ku taalla dalka Spein.  Labadiis waalid aya kala tegay ka dibna isaga, hooyadii  iyo saddex caruur oo ay walaalo yihiin ayaa u guuray dalka Maraykanka.

Bishii Agoosto 23, 2002, Gabadha Michelle Night oo 21 sano jirtautay ayaa gurigooda ka tagtay iyada oo ku jirta xaalad quus iyo niyad jab, kaasi oo ku yaallay Ohio ee dalka Maraykanka.

Nolosheeda waxa ay ahayd mid aad u qalafsan, waxa ay dawlada ka weyday daryeelka wiilkeeda ay siin lahayd,  iyado waaxda asluubta iyo tarbiyadda carruurtana Iyana ay diiday.

Muddo markii laga waayay deegaanka, dad badan ayaa aaminsan in ay go’aansatay in ay ka tagto magaalada rabitaankeeda xorta ah awgeed si ay uga baxdo dhibaatooyink nololashaka haysta.

Qiyaastii 8 bilood ka dib markii Michelle la waayay, Abriil 21, 2003, gabadha Amanda Berry (17 jir) ayaa shaqadeeda Burger King ka rawaxday.

Markii ay gurigeeda ku sii socotay, waxa ay la kulantay nin lagu magacaabo Castro oo gaadhigiisa wata, waxa aanu u soo bandhigay in uu sii qaado, isaga oo ku andacoonaya in wiilkiisu ay isku maqaaxi ka wada shaqaynayeen, isla markiiba waa ay ogolaatay.

Markii ay raacday, waxa ay email u dirtay walaasheed, iyadoo u sheegtay in ay guriga imanayso, waana markii ugu dambaysay ee ay la xidhiidho dadka.

Sannadkii 2004tii, isla ninkaas, Castro, wuxuu u soo bandhigay Gina Dehisus (14 sano jir ah)  in uu sii qaado, Gina waxay saaxiib la ahayd gabadha uu dhalay, sidaas darteed wuxuu ka faa’iidaystay qodobkan si ay u raacdo, waana markii ugu dambaysay ee qof arkay Gina.

Ka dib markii gabdhaha la waayay, waxaa magaalada ka dhacay buuq guud, sababtoo ah dadku waxay dareemeen inay jiraan wax aan caadi ahayn oo ay jirto cid ka dambeysay afduubyadaas hablaha loo geysanyo.

Xaalad argagax iyo cabsi ayaa ku fiday quluubta gabdhaha iyo qoysaskooda.

Waxaa laga yaabaa in buuqan iyo digniinta bilayska ee ka dhalatay ay keentay in af-duubaha, Castro, in uu ka fogaado afduubka gabdho badan oo kale ku qanco saddexdii uu haystay.

Runtii Ninkan Castro waligoodii shaki kama gelin bulshada deegaanka aadna waa loo ixtiraami jiray.  Muddo (20)  labaatan sano ah ayuu basaska  gaadiidka dadweynaha  ku shaqaynayey.

Bulshada uu la nool yahayna si fiican ayuu ula macaamili jiray, carruurta ayuu la cayaari jiray, jaarkana wuxu ahaa nin bashaash oo mar walba salaamayay, jaarkuna waa ay soo dhawayn jireen.

haddii uu arko qof waddada taagan oo baabuurkiisu jaban yahay, wuu caawin jiray oo gargaar u fidin jiray.

Castro waxa dhalay saddex gabdhood iyo wiil, laakiin waxay la noolaayeen hooyadood oo uu furay, sidaas darteed wuxuu ku noolaa guri kaligii.

Waxa uu ahaa Castro nin aad u dhiiran oo xaasidnimo badan, waxa uu ka qayb geli jiray shirarka ay qabtaan qoysaska hablaha laga afduubay si uu uga codsado dawladda iyo bulshadaba in laga caawiyo sidii ay gabdhahooda u heli lahaayeen.

Ninkan Castro waxa uu ahaa mid aad u qiiro badan intii lagu jiray kulammadan, isaga ayaa u qalbi qaboojinayay qoysaska hablaha laga afduubay oo u fidiyay gargaar gaar ah.

Waalidiintan danyarta ahi ee habalahood la afduubay may garanayn in ninkan debecsan  ee u qalbi qabooniyanaa uu isaga laftiisu yahay kan hablaha soo qafaashay ee gurigiisa ku soo xidhay, si xunna ula dhaqma, cuntona u diiday muddo dheer, oo ku xidhxidhay silsilado, iyo kufsi kula kacay… iyadoo ay u dheer tahay garaacis iyo jidh dil

Haddii mid ka mid ah gabdhaha ay uur yeelato, Castro wuu garaaci jiray ilaa ay ka dhicinayso, kaliya Amanda ayaa dhashay gabadh iyada oo caawisay gabadha Michelle ah.

May 6, 2013 Amanda iyo ilmaheeda waxa u suurta gashay in ay baxsadaan xilli Castro aanu guriga joogin, waxa ay u fududaatay in ay soo gaadho albaabka muraayadda ee guriga, waxaanay ku qaylisay “ Na caawiyay, na kaalmeeyay”.

Gabadha Angel Cordero oo ay guriga jaar ahaayeen ayaa ka jawaabtay qeyladeeda, qof kalena waa uu ku soo biiray oo waxay jabiyeen albaabka markii ay Amanda ka soo baxday oo ay u sheegtay in hablo kale ku xidhan yihiin. Booliiska ayaa la xidhiidhay oo goobta yimi.

Afduube Castro ayaa la xidhay waxaana lagu soo oogay dacwado dhowr ah oo ay ka mid yihiin afduub, kufsi iyo isku day dil, waxaana lagu xukumay xadhig xabsi daa’in ah isla markaana aan helayn sii daynta cafis sharafeed.

Waxa kale oo lala wareegay hantidiisa, iyadoo isla markaana uu waayay oo aan loo ogolaan  xaqa uu u leeyahay inuu racfaan ka qaato kiiska.

Ninka dhibta badan ku hayay hablaha ee xabsiga gurigiisa ku haystay ee garaacayay ee cuntada cidhiidhiga kaga dhigay, haddana kufsaday, Nasiib wanaag, isagu wuu u adkaysan waayay xabsiga.

Waxaana dhacday in isku dhex dilay xabsiga dhexdiisa markii uu muddo hal bil oo keliya ka qaatay mudada xukunkiisa. Agoosto 7, 2013, guriga Castro waa la dumiyeymadaama lala wareegay.

Dhanka hablahana waxa ay ku qaadatay wakhti dheer iyo daawaynta nafsiga oo joogto ah ilaa iyo inta ay awood u yeelanayaan in ay mar kale la qabsadaan bulshada oo ay ku soo noqdaan noloshoodii caadiga ahayd

Qofka dhibta uu sameeyo ayaa abaalkeeda ayuu si fudud u  helaa Waxa aya in dillagu qaado laakiin isaga ayaa dil isku xukumay..