“Boolisku Waa Hay’ad Qiimo Badan, Qayb-na ka ah Dhismaha Qaranka

0
186

Hargeysa (Dawan) Siyaasi Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay in ciidamada booliska Jamjuuriyadda Somaliland ay yihiin hay’ad aad iyo aad u qiimo badan, isla markaana qayb weyn ka ah dhismaha Qaranka iyo dalkan Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kale Siyaasi Cali Maxamed Warancade, waxa uu xusay in ciidamada boolisku ay yihiin kuwa salka u ah nabadgelyada bulshadu ku seexato.

Geesta kale waxa uu tilmaamay in yihiin kuwa muquuniya cid kasta oo isku dayda inay nabadgelyada khalkhalgeliyaan, waxaanu hoosta ka xariiqay in askariga booliska ahi aaminsan yahay in uu yahay ka bulshadu ku hurdo.

Ciidamada booliska waxa uu ku waaniyay in ay bulshada u tudhaan, ixtixaamaan, isla markaana aanay dhib u geysan ciddii aan dhibaato wadin, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan ka soojeeda dhal boolis, aabahay booliska ayuu ahaa, aniguna aniga oo yar oo 17 jir ah ayaan galay booliska.

Boolisku waa hay’ad aad iyo aad u qiimo badan, qayb weyna ka ah dhismaha Qaranka, waana ciidanka dalka oo dhan gudihiisa nabadgelyaddooda lagu seexdo,, waana wehelka shacabka, cida kaliya ee nabada gudaha ilaalisaana waa booliska.”

Siyaasi Cali Maxamed Warancade waxa uu intaasi ku daray “Maanta booliskeenu waa kuwa lagu seexan karo, oo cid kasta oo xumaan isku dayda muquunin kara, ninka booliska ahi waa nin naftiisa u huray dalka iyo dadka, waxaanu aaminsan yahay in bulshadu isaga ku hurudo, inta badan ma dhacdo in booliska lala dagaalamo, garbihiisa calankii ayaa ku xardhan, foodiisa astaantii ciidanka ee Goodirka, dadkana waxa ka mabnuuca inay gacanta ula tagaan, in dirayskiisa la taabto waa danbi kale oo gaara, sababtoo ah xasaanad iyo xurmo ayuu leeyahay askarigu, isna dadka wixii aan dhib keenayn in uu si wanaagsan u qanciyo una tudho waa lagama maarmaan, bulshada waxaan leeyahay ninkani waxa uu sitaa Qarannimadiini, waxaanu naftiisa u huray in aad nabadgashaan.”