Geesinimada Iyo Dagaalka Libaaxa!

0
178

Dunida si kasta oo loo sheego inay tahay casri haddana weli waxa jira caadooyin iyo dhaqamo ay leeyihiin bulshooyinka qaarkood. Qabiilada Turkana waxay degtaa dalka Kiiniya gaar ahaan hareeraha harada Turkana.

Qabiiladan ayaa dhaqata Loโ€™ada iyo Idaha. Waxaana ka mid ah caadooyinkooda in ragga dhalinyarada ah lagu tababaro goobo gaar ah iyagoo la barayo sida waranka loogu dilo libaaxa. Dhulkaasi oo libaaxu ka badan yahay awgeed.

Waxaana caadoyinka ka mid ah in waajib laga dhigo inuu nin kasta keligii dili karo libaax, taasi oo ah halka uu ku qaadanyo shahaadada Raganimada.

Marka ninku uu libaaxaasi u badheedho ee uu la dagaalamo oo ย dilo ayaa loo qirayaa inuu yahay shakhsi qaatay magaca Nin. Waxaana la sheegay in badankoodu libaax ay ku dilaan hal waran oo keliya oo ay kaga dhuftaan labada indhood dhexdooda.