Guddoomiyaha Awdal oo Kormeeray Dhismaha Jidka Degmada Baki

0
228

Borama (Dawan) Guddoomiyaha gobolka Awdal Mudane Xasan Daahir Xaddi, saraakiil ka tirsan Baanka Horumarinta Africa, hay’adda Save the Children iyo Injineero ka tirsan Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kormeer ku tagey dhismaha jidka degmada Baki.

Waftigan booqday geeddi-socodka shaqo ee jidka ayaa boggaadiyay hawlaha ku dayashada mudan ee ay wadaan Injineerada dhismaha jidkaasi loo xilsaaray, kuwaasi oo hawl laxaad leh ka qabtay jidkan muhiinka u ah bulshada Degmada Baki oo baahi wayn u qabtay.

Dhismaha mashruuca jidkani waxa iska kaashaday Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Hayada Save the Children, kuwaas oo rajjo weyn ku abuuray bulshada degaanka Baki, maadama ay yihiin beeraley muddo badan sugayay jid ay mariyaan midhaha ka soo go’a beerahooda si ay ugu iib geeyaan magaaladda Boorama iyo gobolka intiisa kale.

Guddoomiyaha gobolka Awdal Mudane Xasan Daahir Xaddi, ayaa wakaallada horumrinta waddooyinka Somaliland, ku ammaanay shaqada baaxda leh ee socoto dhismaha jidka iyo masuuliyadda wayn ee ay iska saartay dhismaha jidkaasi oo hadda gaba-gabo ku dhaw, wax weyna ka tari doona isu socodka gaadiidka iyo dadka degmada Baki iyo magaalada Boorama.

Gudoomiyaha gobolka Awdal Xasan Daahir Xaddi ayaa sheegay in jidkan isku xidha Boorama iyo Baki uu ka qayb qaadan doono korodhka wax-soo-saarka gobolka iyo dhaqaalaha, sidoo kale waxa uu sheegay inuu xoojin doona jidkani isla markaasina fududayn doono in si dhib yar ay bulshadu isugu gudubto iyaga oo fushanaya danahooda.