Saxafigaasi Been Abuur Ayuu Sameeyay oo Labada Dal Ayuu Xaalad Ka Dhex Abuuray…” Safiirka JSL ee Jabuuti

0
152

Jabuuti (Dawan): Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Jabuuti Cabdifataax Siciid Axmed, ayaa iska fogeeyay in isagu uu ka danbeeyay xadhiga weriye laba maalmood ka hor lagu xidhay magaaladda Hargaysa. Weriye Maxamed Aadan Ismaaciil (Jiglan) oo lagu xidhay Hargeysa ayaa ka hawl galla telefiishanka Bulsho oo xaruntiisu tahay Hargaysa.

Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Jabuuti Cabdifataax Siciid Axmed waxa uu sheegay in xadhiga weriyahaasi uu ka dhashay kadib markii uu warar been abuur ah ka baahiyay xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti.

Safiirka ayaa ku dooday in saxafigaasi oo warar been abuur ah ka sameeyay xidhiidhka labada dal, sidaas darteedna looga baahan yahay inuu garsoorka hor keeno cadaynta warkaasi uu baahiyay.

Danjire Cabdifataax Siciid Axmed, oo u waramay Horn Cable Tv, isaga oo ku sugan Jabuuti, ayaa warka weriyahaasi ku tilmaamay mid been abuur ah oo aanay waxba ka jirin.

Safiirka oo ka jawaabayay warka ah in weriyaha la xidhay ay dacwad ka soo gudbisay safaarada Somaliland ee Jabuuti, waxa uu yidhi “Saxafigaasi anaga nooma xidhna, safaarada na dhibane uma aha. Laakiin, saxafigaasi been abuur buu sameeyay, oo labada dal ayuu xaalad ka dhex abuuray.

Markaa waa arrin u yaalla garsoorka. Garsoorka ayaana looga baahan yahay inuu hor keeno cadayntii warka uu sheegay.

Labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti, oo xidhiidhkoodu wanaagsan yahay ayuu doonayay inuu isku dhufto saxafigaasi”.

Waxa kaloo danjiraha wax laga waydiiyay in warka lagu eedeeyay uu suurto gal yahay maadaama oo uu muddo badan oo ilaa dhawaan ah joogay Hargaysa. Hase yeeshee, wuxuu safiirku ku dooday in safarkiisa Hargaysa uu ahaa fasax uu dalka ku yimid, isla markaana aanay wax ba ka jirin arrinta uu weriyaha telefishanka Bulsho ka sheegay xidhiidhka labada dal.

Waxaanu ku jawaabay “Anigu shaqo ayaan u tagaa Hargaysa, fasax ayaanan leeyahay, anigu na fasaxaygii ayuun baan Hargaysa ku joogay.

Sababta oo ah Safiirku fariimo ayuu qaadaa. Imika na Hargaysa muddo kooban ayaan joogay, hawlo ayaanan u tegay” ayuu yidhi safiirka Somaliland ee Jabuuti.

Geesta kale safiirka ayaa sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti, uu meel fiican marayo, isla markaana isku socodka dadka iyo baabuurtu ba ay si wanaagsan u socdaan.

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti, maanta maalin uu ka fiican yahay ma jirto. Xuduudu waa tii xidhnayd sannadkii 2020-kii ayaanu ku guulaysanay in aanu dib furno. Isku socodka baabuurta oo aad u yaraa, imika na caadi ayay baabuurteenu Jabuuti, u soo galaan, ugana noqdaan”.