Siyaasi Riyo-raac oo Ka Hadlay Duulaanka lagu soo Qaaday Dalka

0
123

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyihii hore ee Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Siyaasi Cabdirashiid Maxamuud Cali Riyo-raac ayaa sheegay in gobalka Sool ay duulaan ku soo qaadeen Kooxaha Argagixisada ah iyo Is-bahaysiga Huwanta.

Cabdirashiid Maxamuud Cali oo shalay u waramayay qaar ka mida Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Maleeshiyaadka Huwanta ah iyo kooxaha Argagixisada oo iskaashanayaa ay gubeen Tuulada Buqdharkayn, isla markaana ay ku laayeen dad shacab ah oo ay ka mid yihiin culimo iyo caruur aan waxba galabsan.

Cabdirashiid Maxamuud Cali oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Somaliland iyo qaranka ayaa lagu soo duulay oo Huwan, Argagixiso iyo waxay heli karaan ayaa Somaliland ku soo duulay. waxaana la gubay magaalo iska dagan. Nabadi meel ay taallo ma hayno, waxaana dagaal lagu soo qaaday Buqdharkayn iyo magaalooyin kale oo la gubay, markaa dagaalka yaa joojinaya, ma ninka dagaalka soo qaaday ayaa magdhaw iyo heshiis ka keenaya”

Guddoomiyihii hore ee Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Siyaasi Cabdirashiid Maxamuud Cali Riyo-raac isaga oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaasi raaciyay “Nabadi wax la diido maaha, laakiin wax aan lahayn maaha in dadka loo sheego. Maxaabiistu waa maxaabiis. Somaliland maxaabiis ayay haysaa, waxaana aan leeyahay anigu ma soo dhawaynayo hadalka Suldaan Maxamuud Guuleed, iimana cuntamin, hadalkiisuna hadal meesha qabta maaha.”