Wasaaradaha Maaliyadda iyo Macdanta oo ka Arrisanaya Dakhli Ururinta Cashuuraha Macdanta

0
101

Hargaysa (Dawan) Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland iyo Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ayaa kulan ka yeeshay sidii loo xoojin lahaa dakhliga Cashuuraha Macdanta dalka, taasi oo ah wax-soo-saar dalka muhiim u ah.

Markii la arkay baahida loo qabo in la xoojiyo ururinta dakhliga cashuuraha macdanta oo ah wax-soo-saarka labaad ee wadanka dibadiisa loo dhoofiyo, marka laga tago xoolaha nool, ayaa la qorsheeyay kulan lagu dardargalinayo kobcinta dakhliga ka soo xarooda cashuuraha khayraadka Macdanta, iyada oo la dhiirigalinayo wax-soo-saarka iyo dhoofka Macdanta, ayaa waxa ay wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Macdantu isugu yimaadeen shir lagaga arrinsanayo dakhliga Cashuuraha Macdanta dalka.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiinta labada Wasaaradood , dhinaca Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta, waxaa ka socday Wasiirka, Wasiir Ku xigeenka, Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha Waaxaha Macdanta, Maamulka iyo Lacagta, Qorshaynta iyo Shuruucda.

Halka dhinaca Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu ay shirkan ka soo qayb galeen, Wasiir Ku xigeenka, Agaasimaha Shuruucda iyo Agaasimayaasha Waaxaha dakhliga.

Ujeedka kulankaa ayaa ahaa, midaynta Cashuuraha Macdanta, dhamaystirka Buuga Haggaha Cashuuraha Macdanta, iyo xoojinta wada shaqaynta labada Wasaaradood.

Sidoo kale intii kulankani socday ayaa waxa lagaga dooday muhiimada ay Qaranka u leeyihiin dakhliga Cashuuraha Macdanta iyo sida loogu baahan yahay in la qaado, lana dhiirigaliyo dhoofintooda iyo soo-saaristoodaba.

Gebo’gabadii kulankan laba geesoodka ahaa ayaa waxa uu ku soo dhammaaday is af-garasho iyo sidii loo xoojin lahaa was-soo-saarka Macdanta iyo kobcinta Caruuraha Macdanta iyo sidii labada wasaaradood uga wada shaqayn lahaayeen.