Dawladda Ingiriisku Waxay u Sheegtay Soomaaliya iyo Puntland in Gobolka Sool ka Tirsan Yahay Somaliland…”

0
225

Qore Khadar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Guddomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in dalkeena uu ka dhex socdo dagaal qorshaysan, kaasoo ay in badan ka soo shaqaynayeen cadawga Somaliland.

Waxaanu ku baaqay Eng. Faysal, in loo baahan yahay in aynu u diyaar garaw sidii aynu dagaalka innagu socda isaga caabbin lahayn, isla markaana bulsho ahaan quluubteena aynu  sifayno.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe, waxa kaloo uu xusay in ay jiraan cadow fara badan oo ku hawlan sidii ay bulshadeena colaad uga dhex abuuri lahaayeen, kuwaasoo aan xataa ogolayn in aynu nabad helno.

Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu sidan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay munaasibad ay wasaaradda Waxbarashadda Somaliland ku qabatay magaaladda Hargaysa, waxa kaloo uu ka hadlay sidii ay bulshadda reer Somaliland ugu midoobi lahaayeen cadawgoodda. “Dalkeena Dagaal qorshaysan baa ku socda, oo in badan laga soo shaqaynaayay.

Waxaynu u baahan nahay in aynu diyaar garawno, oo quluubteen na aynu sifayno. Xataa haddii aynu nabad doono, waaban la ina daynaynin”ayuu yidhi guddoomiye Faysal.

Geesta kale guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in dawladda Ingiriisku ay u cadaysay dawladda federaalka Soomaaliya, iyo maamul goboleedka Puntland in gobolka Sool uu ka tirsan yahay dhulka Somaliland, sidaas darteedna ay arrimaha Sool faraha kala baxaan.

Waxa kaloo uu Eng. Faysal xusay in shalay ay dawladaha Ingiriiska, iyo Maraykanku qaadeen tallaabooyin waaweyn oo qayb ka qaadanaya aqoonsiga Somaliland.

“Maanta waxaa dhacay afar arrimood, oo waaweyn. Ingiriiskii wuu la hadlay dawladda federaalka Soomaaliya, iyo maamul goboleedka Puntland. Wuxuu na u sheegay in ay Laascaanood dalka Somaliland ka mid tahay, isla markaana waxay ka tirsan tahay Somaliland British Protectorate, ayuu ku yidhi.

Maraykanku na, wuxuu inoo sameeyay NDA-dii ayaa maanta la ansixiyay. Imaaraadka Carabtu-na, waa on board. Laakiin, waxaas oo dhami waxay ku xidhan yihiin siyaasadeena gudaha oo hagaagta. Inagu arrimaheena dhulka ayaynu dhiganaynaa, oo cadawgeena ayaynu farta ku wada fiiqaynaa” ayuu yidhi guddoomiyaha UCID.

Dhinaca kale guddoomiyaha xisbiga UCID waxa uu ka hadlay arrinta Dayn cafinta ee loo sameeyay dawladda federaalka Soomaaliya, iyo sidoo kale qaraarkii ay dhawaan Qaramadda Midoobay cuna-qabataynta Hubka kaga qaaday Soomaaliya.

Waxaanu yidhi “Soomaaliya Hubkii waa loo fasaxay. Hubkaa loo fasaxay na dhibaato weyn ayuu keenayaa. Dawlad Soomaaliyeed, oo shuruudihii dawladnimo buuxisay, oo sharcigeedu ka socdo meel kasta ma jirto.

Arrintaasi khatarteedda ayay leedahay. Waa shan dawladood, oo shan qabiil kala ah, dabadeed na reer waliba wuu is-hubayn doonaa”.