Maraykanka oo Xeerkiisa Difaaca ku soo Kordhiyay Is-kaashigii ugu Ballaadhnaa oo uu la Yeelanayo JSL

0
149

Wasaaradda difaaca Maraykanka ayaa la faray in ay war bixin ka keento doorka shiinuhu ku leeyahay dagaalka Sool

 Hargeysa (Dawan)- Jamhuuriyadda Somaliland ayaa guul muhiim ahi uga soo hoyatay qaddiyadda qarannimadeeda, kadib markii Congress-ka Marakanku wax ka beddel uu ku sameeyay Xeerka guud ee difaaca Maraykanka ee NDAA (National Defense Authorization Act) ee sannadka 2024ka, isla markaana uu ku soo kordhiyay qoddobo jidaynaya in dawladda Washington cilaaqaad iyo iskaashi ballaadhan la yeelato Somaliland.

Senator James Rich ayaa ka soo shaqeeyay wax ka beddelka lagu sameeyay xeerka difaaca Maraykanka qoddobada la xidhiidha Somaliland gaar ahaan iskaashiga millatariga.

Waxa kaloo xeerkaas lagu sheegay in wasaaradda Gaashaan-dhiga Maraykanku ay warbixin ka keento kaalinta uu Shiinuhu ku leeyahay hurinta dagaalka gobolka Sool ee bariga Somaliland.

Isbeddelka lagu kabay xeerka difaaca Maraykanka, waxa ka mid ah in Maraykanku yaqiinsaday bogcada Istaraatajiga ah ee ay Somaliland ku taallo, waxaana xeerkaas lagu xusay “Somaliland oo deked weyn iyo madaar baaxad weyn ku leh Magaalada Berbera, taas oo ku taalla goob juqraafi ahaan muhiim ah oo ku taal Geeska Afrika,lana jaar ah marin biyoodyada Istaraatijiga ah ee badda cas iyo gacanka cadmeed.”

“Sidaa awgeed waxa ay gacan ka gaysan kartaa ujeeddooyinka millatari ee Maraykanka, marka la eego xaaladda amni ee gobolka ka jirta. Arrintaasina waxay Maraykanka u saamaxaysaa in uu si toos ah ula macaamilo Somaliland isla markaana uu u adeegsado dekedda Berbera inay noqoto meel laga galo Geeska Afrika oo fududaysa hawlaha qeybinta gargaarka geeska Afrika,”ayaa lagu yidhi xeerkaas.

Warbixinta xeerka lagu daray waxa kaloo lagu yidhi “Guddiyada Senetka iyo Congress-ka ee ay khusayso ayaa daraasad ku sameeyay sida ay Somaliland door laxaad leh uga geysan karto joogitaanka maraykanka ee mandaqada Geeska Afrika iyo siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan badda cas, marin-biyoodk Indo Pacific iyo Geeska Afrika.”

Wasaaradaha Difaaca iyo Arrimaha Dibadda oo lagu amray inay 168 maalmood kadib Aqalka Senetka u soo gudbiyaan warbixin qarsoodi ah oo ku saabsan xidhiidhka Maraykanka iyo Somaliland.

Goleyaasha Baarlamaanka Maraykanka ayaa kalhore meel mariyay heshiiska Iskaashiga Somaliland Iyo Maraykanka oo sahlaya in Maraykanku Somaliland la yeesho iskaashi qoto dheer oo siyaasadeed iyo mid millatariba, waana tallaabo guul u ah Jamhuuriyadda Somaliland oo ka dhashay socdaalkii Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu Maraykanka ku tagay 2022kii.