Dhakhaatiirta oo ka Digay Hindhisada oo la Isku Celiyo

0
154

Koox caafimaad ayaa soo saartay digniin kadib markii nin uu dhuunta ka dillaacay isagoo isku dayay in uu ka dheeraado in uu hindhiso ama uu joojiyo.Bukaan socodka oo 30-jir ah, ayaa loo qaaday cisbitaalka Ninewells ee ku yaalla Dundee, England, isagoo xanuun dareemaya daran , kadib markii uu sanka isku qabtay isla markaana iska xiray afka si uu u xakameeyo ama u celiyo hindhisadiisa.

Baaritaanno la sameeyay ayaa daaha ka qaaday inuu 0.2 sinti mitir ka dillaacay dhuunta hawada kasoo baxday awgeed.

Dhakhaatiir ka tirsan jaamacadda Dundee ayaa sheegay in haddii aad xirto afka iyo sanka marka aad hindhiseyso, cadaadiska marinnada hawada ee sare uu kordhi karo ilaa 20 jeer.

Tani waxay sidoo kale keeni kartaa dhaawacyo, sida xuubka dhegta oo dillaacsan, cunaha oo ay waxyello gaarto iyo xitaa feeraha in ay jabaan.

Kiiska waxaa lagu diiwaangeliyay joornaalka caafimaadka ee BMJ Case Reports.

Markii ay dhakhaatiirtu baareen bukaanka, waxay gudaha ka maqleen dhawaq dildilaac ah markii ay qoortiisa taabteen isla markaana ay ogaadeen in aanu xakameynin dhaqdhaqaaqa.

Ninkan oo aan magaciisa la sheegin, ayaa gaari waday xilliga uu dhacdada la kulmayay isaga oo horay u qabay xasaasiyad isla markaana si joogto ah ula kulmi jiray cuncun sanka iyo cunaha ah.

Bukaanku uma baahneen howlgal la xidhiidha qaliin waxaana lagu haayay cusbitaalka si loola socda xaaladdiisa loona dabiibo.

Waa laga saaray markii dambe waxaana la siiyay dawooyinka xanuun baabi’iyeyaal ah iyo kuwo kale. Dhakhaatiirta ayaa sidoo kale kula taliyay inuu ka fogaado dhaqdhaqaaqa badan iyo isticmaalka waxyaabaha adag muddo laba toddobaad ah.

Shan toddobaad kadib, qalab caafimaad oo lagu baaray ayaa muujiyay in xanuunkii uu ka bogsaday.

Dr Rasads Misirovs, oo ah qofka warbixintan siinayay qoraaga sheekadan, ayaa BBC-da u sheegtay in dadku ay oggolaadaan hindhisada in ay soo baxdo ama soo dhaafto qofka ay qabato, maadaama ay tahay habka difaaca dabiiciga ah ee jirku u leeyahay inuu ka saaro cadaadiska ka yimaada marinnada sanka.

Waxa ay tidhi, “Waa in aan si tartiib ah wajiga ugu daboolnaa gacanta ama halka ku aaddan gudaha sanka si aan uga hortagno hawada soo baxaysa sida fayrasyada, oo ay la socdaan candhuufta iyo xabka, si aanay u gaarin kuwa nagu hareereysan ama nala jooga.”

Waxa ay intaa ku dartay in ay jiraan habab ay dadku ku caburiyaan hindhisada iyaga oo aan sanka iyo afka isku xirin.

“Shakhsi ahaan waxaan isticmaalaa farsamo kale anigoo suulka ku cadaadinaya qayba sare iyo kuwa hoose ee sanka, anigoon xirin marinnada sanka dhowr ilbiriqsi; “Taasi aniga ayay ii shaqeysaa,” ayay tidhi.

“Markaad ka tagto sanka oo furan, hindhisadu way baxsan kartaa haddii cadaadiska bushimaha aanu shaqeynin.”

Maxaa sababa inaad hindhisada badan?

Qayb ka mid ah shaqada sankaagu waa nadiifinta hawada aad neefsanayso, hubinta in ay ka bad qabto wasakhda iyo bakteeriyada. Inta badan, sanku waxa uu ku qabta wasaqda xabka sanka kasoo baxa, taas oo keeni karta bakteeriya.

Si kastaba ha ahaatee, ararka qaarkood, wasakh iyo qashin ayaa geli kara sankaaga kuwaas oo kicin kara xasaasiyad cunaha iyo sanka ah.

Hindhisada waxaa kicin kara waxyaabo kala duwan, oo ay ka mid yihiin:

  • Xasaasiyadda
  • fayrasyada, sida hargabka ama wasakhda kugu duusha.
  • cuncun sanka ee mararka qaar uu sababo sanboorka
  • Dawooyinka qaar ee sanka laga qaato sida goojada loo yaqaanno corticosteroids
  • Iyo waxyaabaha la xidhiidha sanka laga qaato