Baarlamaanka Yurub oo cambaareeyay raritaanka dadka Maasai

0
115

Baarlamaanka Yurub ayaa cambaareeyay barakicinta lagu hayo dadka asal ahaan ka soo jeeda qowmiyada Maasai ee Tanzaaniya iyadoo lagu sababeeyay in lagu ilaalinayo deegaanka.

Qaraarkan ayaa yimid kadib isku dayo ay masโ€™uuliyiintu ku doonayeen in dadka Maasai ay ka saaraan aagagga iyo agagaarka beerta qaranka ee caanka ah ee Serengeti.

Midowga Yurub wuxuu sheegay in xuquuqda asaliga ahi ay tahay qayb aan laga gorgortami karin oo ka mid ah hindise kasta oo lagu ilaalinayo deegaanka.

Dowladda Tanzania ayaa beenisay in ay si xoog ah uga rartay dadka reer Maasai, waxayna sheegtay in ay si iskood ah u guureen.