Ogaal U Yeelo 3 Caado Oo Burburiya Lafaha

0
104

Todobaadkan Qormadeena Labaad ee Barnaamijka Caafimaadka Wargeyska Dawan waxa aynu ku soo qaadanaynaa, sida aan ku ogaan karto sadex caado oo burburin kara lafaha qofka, taasi oo inteena badani ayaynaa ka warqabin khatartaasi.

Waxa aynu sharaxaad badan ka bixin doonaa sadexdaasi caado iyo waxa ay yihiin, sidoo kale waxa aynu wax badan ka ogaan doonaa faa’iidad ay Fiitamiinadu jidhka u leeyihiin iyo wax yeeladooda haddii ay ka maqnaadaan jidhka qofka.

 

Haddaba Cudurka lafaha burburiya ee lagu magacaabo “osteoporosis” waxaa cudur aad dunida ugu badan, waxa uu kenaa xanuun aad u daran oo qofka ka haleela isgoysyada xubnaha iyo barar ku dhaca xaglaha waxa uu si gaar ah u abbaaraa jilbaha, gacmaha iyo lafdhabarta.

Cududurkani ragga iyo dumarkaba wuu ku dhacaa balse dumarka ayuu ku sii badan yahay.Waxaa jira sababo la xiriira hab-nololeedka oo saamayn wayn ku leh cudnaanta lafaha iyo adeygooda. Qormadeenna maanta, waxaan ku dul istaagaynaa saddex caado oo burburin kara lafaha, inta badanna aan lagu baraarugsanayn.

Jirka oo heli waaya kaalsiyaam ku filan:

Kalsiyaamtu waa waxa ay lafuhu ka samaysan yihiin. Marka jirku uu waayo kalsiyaam ku filan, lafaha ayuu ka nuugaa taas oo lafaha daciifisa. Kalshiyaam yaraantu waxay keentaa in cufnaanta lufuhu ay hoos u dhacdo, waxayna ku keentaa burbur.

 

Fitamiin D yarida:

Fitamiin D wuxuu caawiyaa in jirku uu nuugo kalsiyaamta, la’aantiis lafahaagu kama faaidaysan karaan kalsiyaamta aad qaadato. Fitamiin D yaraantu waxa ay carqaladaysaa nuugista kalsiyaamta taas oo keenaysa in lafuhu ay jilcaan.

Fadhiga badan:

Xarakaad la’aanta jireed waxay keenta in cufnaanta lafaha iyo awoodda murquhu ay hoos u dhacaan. Daraasado badan ayaa iftiimiyay inuu jiro xiriir ka dhexeeya fadhiga badan, cufnaanta lafaha oo yaraata iyo halista cudurka lafa-beelka oo siyaada.

Ugu dambeyntii, waxaa jira tallaabooyin fudud oo aad hortegi karto cudurka lafo burburka waxaa ka mid ah inaad hesho qorrax kugu filan ama qaadashada fitamiin D, inaad qaadato cunnooyinka qaniga ku ah kalsiyaamta sida caanaha iyo inaad samayso jimicsi joogto ah.