Wasaaradda Caafimaadka JSL iyo Safaaradda Taiwan oo Kala Saxeexday Mashruuc Muhiimad Weyn u leh Bulshasa

0
79

 

Todobaadkan Qormadeena Koowaad ee Barnaamijka Caafimaadka Wargeyska Dawan waxa aynu ku soo qaadan doonaa, wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Safaarada dalka Taiwan oo kala saxeexday mashruuca ka jawaabida xaaladaha deg deg ah ee Bulshada, kaasi oo ahmiyada wayn u leh dalka iyo dadkaba.

Mashruucan ayaa waxa uu ka jaawaabi doonaa xaaladaha deg dega ah ee Bulshada, waxaanu kor u qaadaya wax qabadka caafimaad ee wasaaradda, kaasi oo ku aadan in si dhab ah looga jawaabo xaaladaha deg deg ah eek u soo kordha dhinaca caafimaadka guud ahaan bulshada Somaliland.

Hadaba Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Safaaradda dalka taiwan ayaa kala saxeexday mashruuc balaadhan oo ku saabsan ka jawaabida Xaaladaha degdega ah ee bulshada, kaas oo wadanka ka bilaabmi doona horaanta Sannadka 2024.

Heshiiska Mashruucan ayaa Wasaaradda waxaa u Saxeexay, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye.

Xafladd balaadhan oo mashruucan lagu kala saxeexanayay ayaa waxaa goobjoog ahaa, Safiirka Safaaradda Dalka Taiwan, Isuduwaha Caafimaadka gobolka Maroodijeex, Agaasimaha Cusbitaalka guud, saraakiil ka socotay Safaradda Taiwan mudan iyo marti sharaf kale.

Waxaa hadalka iska daba qaatay Agaasimaha cusbitaalka guud ee Hargaysa iyo Isuduwaha Caafimaadka gobolka maroodijeex, iyagoo dhankooda ka waramay Mashruucan iyo sida uu qayb muhiim ah uga qaadan doono horumarinta adeega Caafimaad gaar ahaan xaaladaha degdeg ah, Sidoo kalena soo dhaweyay Mashruucan.

Safiirka dalka Taiwan Mr Allen luu oo sidoo kale halkaa ka hadlay ayaa ka sheekeeyay sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyaan dawladda Somaliland gaar ahaan Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka isagoo balan qaaday inay sii wadi doonaan taageerada dhanka Caafimaadka ee ay kala shaqeeyaan Wasaaradda Horumarinta Horumarinta.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye oo si rasmi ah u saxeexay mashruucan ayaa dhankiisa ka waramay ka Wasaaradd ahaan iyo waxa uu mashruucani ka badali doono habsami u socodkii hawlaha Caafimaad gaar ahaan xaaladaha degdega ah, isagoo uga mahadnaqay Safaaradda Taiwan sida dhaw ee ay ula shaqayso Wasaaradda Horumarinta Horumarinta.

Sidoo kale waxa lasoo gabagabeeyay mashruuc baaladhan oo kusaabsan Horumarinta Caafimaadka Hooyadda iyo dhalaanka kaas oo socday mudo sanado ah.