Wefti Golaha Wakiilada JSL ah oo Kulan la Qaatay Baarlamanka Wales

0
171

Wales (Dawan) Weftigii uu hoggaaminayay Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakillada Somaliland Cali Xaamud Jibrii iyo Mudanayaal ka tirsan golaha wakiillada oo mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa cariga dalka Ingiriiska, ayaa waxa ay ku halkaasi kulamo kala duwan kula qaateen xubno ka mid ah Baarlaamka dalka Ingiriiska iyo Jahliyadaha reer Somalilandee dalkaasi, sidoo kale weftigana ayaa waxa ay kulan la yeesheen Baarlamaaka Wales.

Weftigii Golaha Wakiilada Somaliland ee uu hogaaminayay Mudane Cali Xaamud oo ayaa waxaa ku wehelinayay Xildhibaan Jaamac Aboker Dube,Xildhibaan Cabdikariim Cabdi Aadan iyo la-taliyaha Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Axmed Xasan Carwo, la-taliyihii hore ee Madaxweynaha Somaliland iyo Prof. Ibraahim Carab Jaamac, Maareeye ku-xigeenkii hore ee Jaaliyadda Somaliland ayaa kulan la qaatay Xildhibaannada Baarlamaanka Wales oo uu wakiil ka yahay Mudane. John Griffiths, Mudane. Rhun ap Lorwerth iyo Shaqaalahooda Sare ee Baarlamaanka Wales.

Xubnaha weftiga Jaaliyadda Somaliland ee wales, Cabdikariim Cabdi Aadan, Axmed Xasan iyo Ibraahim Carab Jaamac ayaa sheegay in ay ku faraxsannahay kulanka wadajirka ah ee u dhexeeya labadayada baarlamaan ee Somaliland iyo Wales.

Xubnaha Weftiga Jaaliyadda Somaliland waxay sheegeen in aanu ahayn shirkii ugu horeeyay balsee sannad walba la qabto kulankan oo kale, waxaanan rajaynaynaa in la joogo wakhtigii la horumarin lahaa istiraatijiyad lagu sii wada shaqayn lahaa iyo horumarka dhabta ah ee laga gaadhayo wada shaqaynta u dhexeeya labadayada baarlamaan ee Somaliland iyo Wales.

Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Cali Xaamud Jibriil oo ku hadlaya af-ka weftiga ayaa waxa uu yidhi ‘’waan u mahad naqay xildhibaanada Wales, oo mooshin ay ka keeneen baarlamaanka Waless, shacabka Somaliland ku hambalyeynaya doorashada 2021 ee labada gole ee dawlada hoose iyo baarlamaanka somaliland.

Gebo’gabadii gudoomiye Mudane Cali Xaamud Jibriil ayaa waxa kale oo uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay kulanka uu la yeeshay Baarlamaanka Wales, waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay wada shaqayn dhex marta dawladda Wales iyo Baarlamaanka, Xukuumadda Somaliland iyo Baarlamaanka Somaliland si loo xoojiyo xidhidhka Wales iyo Somaliland.