Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo Shir a Yeelatay Agaasimayaasha Wasaaradaha Dalka

0
119

Hargaysa(Dawan) Masuuliyiinta Hay’adda Sahqaalaha Dawladda ayaa qabtay kulan ay kula shirayso Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha madaxa bannan ee dalka, kaasi oo lagaga arrinsanayo Barnaamijka nidaamka casriyaynta shaqaalaha dawaladda oo mudooyinkii u danbeeyay ay ku hawlanayd Hay’adda shaqaalaha dawladdu.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Khaalid Jaamac Qodax ayaa furay shirka agaasimeyaasha guud ee wasaaraddaha iyo hay’addaha dawladda Somaliland, kaas oo ka qabsoomay xarunta hay’adda shaqaalaha.

Kulankan ayaa mudadii uu socday waxa lagu gorfeeyay nidaamka casriga ah ee shaqaalaha dawladda oo ay hay’adda shaqaalaha dawladdu muddooyinkii u dambeeyay ka shaqaynaysay.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Khaalid Jaamac Qodax, ayaa sheegay in Barnaamijkan casriyaynta shaqaalaha qaranka ay sannadkanba wadeen ka hay’ad ahaan dhismihiisa iyo hirgelintiisa, isaga oo caddeeyay in hirgelintiisu ay hirgeli doonto sannadka foodda innagu soo haya ee 2024-ka.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladdu waxa uu sheegay in kulankan ay Agaasimeyaasha guud ee wasaaraddaha iyo Hay’addaha Qaranka la qaateen yahay mid lagu faaqidi doono macluumaad barnaamijkan casriyeynta shaqaalaha qaranka ku saabsan,sida uu u shaqaynaayo iyo sida looga wada shaqaynaayo hirgelintiisa.

Barnaamijkan casriyeynta shaqaalaha qaranka ayuu sheegay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland in uu la jaan qaadi doono Barnaamijyadda kale ee la casriyeeyey ee dawladdu ay ku shaqayso,iyada oo laga guuri doono habka iminka lagu shaqeeyo.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland Khaalid Jaamac Qodax waxa uu sheegay in Agaasimeyaashu ay door aad u weyn ku lee yihiin Barnaamijkan casriyeynta shaqaalaha qaranka,kaas oo ah hirgelintiisa.

Waaxyaha cudduda shaqaalaha ee wasaaraddaha iyo hay’addaha dawladda Somaliland ayuu sheegay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaaluhu in tabobaro la siiyey.

Barnaamijkan ayaa wax ka bedeli doona nidaamyadii hore ee loo samayn jiray Derejo bedelka shaqaalaha dawladda,Fasaxyadda,Anshax marinta,bedelka shaqaalaha ee wasaarad ilaa wasaarad ama hay’adba,kuwaas oo noqon doona kuwo dhex mara Barnaamijkan casriyeynta Kaydinta Xogta Shaqaalaha dawladda.