Wasaaraddaha Maaliyadda, Isgaadhsiinta iyo Booliska oo Fariin u Diray Shirkadaha isgaadhsiinta iyo Tv-yada Madaxa-banaan

0
202

Hargeysa (Dawan) Wasaaraddaha Maaliyadda, Isgaadhsiinta iyo Ciidanka Booliska ayaa siwada jir ah Fariin ugu diray Shirkadaha isgaadhsiinta iyo Tv-yada Madaxa-bannaan.

Wasaaraddaha Maaliyadda iyo isgaadhsiinta ayaa si wada jir ah fariin ugu diray shirkadaha adeegyada isgaadhsiinta bixiya iyo telefishanada madaxa bannaan, fariintaas oo ay ku farayeen inay iska soo bixiyaan cashuurta iibka iyo hirarka, cashuurtaas oo ku waajibtay iibka adeegyada iyo isgaadhsiinta iyo baahinta ay sameeyaan telefiishanada madaxa bannaani.

Sidoo kale waxa ay ku adkeeyeen wasaaraddaha maalliyada iyo isgaadhsiintu, shirkadaha iyo telefiishanada inay laba cisha gudahood ku soo bixiyaan, iyaga oo sabab uga dhigay in sannadkii gaba-gaba yahay.

Geesta kale waxa ay sheegeen in ciddii u hoggaansami weyda amarada wasaaraddaha maaliyada, isgaadhsiinta iyo ciidanka in sharciga la horgeyn doono.

Saraakiisha ciidanka booliska iyo wasaaraddaha isgaadhsiinta iyo iyo maaliyadu ay u direen shirkaddaha waa weyn ee isgaadhsiinta dalka iyo telefishanada madaxa bannaan waxa ay u dhigneyd sidan.

“Shirkadaha waa weyn ee isgaadhsiinta ee lagu leeyahay  cashuurihii hirarka iyo cashuurihii GST, iyo telefishanada madaxa bannaan ee lagu leeyahay hirarkii iyo liisamada, inay ku soo bixiyaan laba cisho gudahood, mar haddii sannadkii dhammaad yahay.

Si sharafleh ku soo bixiya cashuurta idinku waajibtay, wixii intaa ka danbeeya nidaamka sharciga ayaa la isla tiigsan doona,”