Xikmadaha

0
144
  • Qofka aan cabin biyaha waayo aragga wuxu ku dhintaa saxaaraha isagoo haraadan, noloshu waa dugsi, macalinkeeduna waa casharada waayaha
  • โ€œNebi Muse (cs) isagoo Ilmo yar ah ayay badu badbaadisay oo nabad galisay, Fircoona isagoo awood badan oo ciidan xoogan wata ayay badu hafisay, maaha awoodaada, xikmadu waa in Allah (sw) kula jiroโ€.
  • Hadii aad doonayso inaad saaxiib barato safar u raac, waxa kuu muuqan doona wax kasta oo uu qariyo, safar waxa loo yidhi waxa ku raaca akhlaaqda iyo anshaxaโ€
  • Haddii Biyuhu hadlayaan waxay ku odhan lahaayeen dad badan (biyo badan) qalbiga ku maydha biyaha ka hor inta aanad jidhkaย sare maydhin.
  • Bixinta Sadaqada ku dadaal haba yaraatee. Sadaqadu waxay bakhtiisaa xumaanta, qalbigana way farxad galisaa, hammigana way kaxaysaa, risiqana way badisaa.

Albaabada ugu wayn ee nolosha wanaagsan waxa ka mid ah ducada waalidka ee badso samafalkoodana ilaali, si sharka iyo belaayada aad uga nabad gasho