Qisaska Dilalka Qorshaysan Ee Sirdoonka Caalamku Fuliyo!

0
184

Qisada 1aad : Wuxu ahaa halwgab ka tirsanaa sirdoonka qarsoon ee Ingriiska M15, waxa sanadkan 2017, Dadka Ingiriiska iyo dunida kaleba ka yaabiyay markii uu si cad u sheegay inuu ka danbeeyay dilkii gabadhii ka mid ahayd qoyska reer boqor ee Amirada Diana oo la dilay 20 sano ka hor sanadkii 1997.

Sirdoonka Mr.John Hopkins oo 80 jir ah, ayaa qirtay inuu ka qayb qaatay dilal qorshaysan oo gaadhaya 23 hawlgal intii u dhaxaysay 1973- 1999kii . Waxaana uu intaasi ku daray in dilalka qorshaysan ee u fuliyeen ay ku jirtay dilkii Amiirada Daina.

John Hopkins oo markaasi ku jiifay furaashka geerida sanadkan 2017 ayaa intaasi ku daray in dilka Amiiradda Daina uu ahaa dilka keliya ee gabadh ahaa ee uu fuliyay laakiin inta kale ay ahaayeen rag. Waxaana u intaasi ku daray inuu ahaa dilka keliya ee ka soo fulay boqortooyada.

Sirdoonka John Jopkin ayaa qirtay dilalkaasi isagoo u waramaya YourNewsWire.com isagoo ku jiifa sariirta Isbitaalka markii dhakhtarkiisu u sheegay in dhowr toddobaad ka dib dhiman doono. Waxaana uu intaasi raaciyay inay Amiirada Daian haysay siro badan oo qoyska boqortooyada ah sidaa awgeedna aanay ogolayn madaama ay qoyska ka dhex baxday inay sheegto.

Waxaana uu intaasi raaciyay in lagu amray inuu ku khaarajiyo shil gaadhi. Ugu danbaystiina wuxu yidhi “ Waxay ahayd gabadha keliya ee aan dil qorshaysan ku khaarajiyay, isla markaana ka tirsnayda qoyska boqortooyada”.

Qisada 2aad : Waxa kale oo iyana yaab ku riday shacbiga Maraykanka markii geerida fanaanadii Maraykanka caanka ka ahayd  Marlin Morno muddo 53 sano ka soo wareegtay sanadkii 2015 , sarkaal ka tirsanaa sirdoonka Maraykanka oo magaciisu ahaa Mr.Norman Hodger uu qirtay inuu isagu ahaa ninkii ka danbeeyay shirqoolka dilkeeda.

Sarkaalkan oo wakhtigaasi ahaa 78 sano ayaa Isbitaalka u jiifay xanuun uu dhakhtarku u sheegay in aanu ka kacayn.

 

Sirdoonka Norman oo u waramayay xarunta “The Raiffel Beard” ayaa cadeeyay inuu isagu ka danbeeyay dilka 37 qof oo dilal qorshaysan ah kuwaasi oo lagu fuliyay si loo ilaaliyo danaha Marakanka kuwaasi oo lagu fuliyay siyaasiyiin, aqoonyahano iyo fanaaniin looga shakiyay inay halis ku yihiin dhan Maraykan.

Norman ayaa sheegay inuu dilalkaasi fuliyay mudadii u dhaxaysay 1959 – 1959. Sarkaalkan ayaa xarunta CIA u shaqaynayay muddo 41 sano ah. Marlin Morno ayuu sheegay sababta loo dilay inay ahayd markii ay si fiican isu barteen madaxda Maraykanka oo uu ka mid ahaa Madaxweyne Kannedy iyadoo haddana ay si fiican isu barteen madaxwynaha Kuuba Fedal Kastro taasi oo looga shakiyay in sirta dalka ay gudbiso cadowga Maraykanka. baadhista dilkeeda ayuu lagu soo xidhay sanadkaasi 1962 inay iyadu is dishay.