Dawladda Ingiriiska oo uga Digtay Muwaadiniinteeda in ay ka Qayb-Qaataan Colaada ka Taagan Sool

0
96

London- Dawladda Ingiriiska ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay ku biiraan colaadda ka taagan bariga Somaliland ee gobolka Sool, maadaama ay taasi noqon karto dembiyo sida uu dhigayo sharciga Ingiriiska, isla markaana la maxkamadeynayo marka ay ku soo laabtaan UK.

Tim Loughton, oo ah xildhibaanka xisbiga Conservative-ka golaha baarlamaanka oo Su’aal ku weydiiyey wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda, barwaaqo sooranka iyo horumarinta tallaabooyinka uu qaadayo si uu ula socdo tirada muwaadiniinta UK ee u socdaalaya dagaalka Somaliland.

Andrew Mitchell Wasiiru-dawlaha (Xafiiska Arrimaha Dibedda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta) ayaa sheegay in muwaadin kasta oo British ah oo u socdaala Somaliland si uu u dagaalamo, ama uu taageero dadka kale ee ku lugta leh iskahorimaadka, waxaa lagu dacweyn karaa marka ay ku noqdaan UK.

Wasiir Mitchel waxa uu ku daray jawaabtiisa, “Haddii muwaadin Ingiriis ah uu u safro Somaliland si uu u dagaalamo, ama u caawiyo dadka kale ee isku dhaca ku jira, hawlahoodu waxa ay noqon karaan dembi sida uu dhigayo sharciga UK, waxaana lagu dacwayn karaa marka ay ku laabtaan UK.