Warsidaha Le-figaro Magazine oo Warbixin Dheer ka Qoray Siday JSL Isu Bixisay Iyada oo aan la Aqoonsan

0
119

Wargeysku wuxuu sheegay in kooxaha argagixisada ee ku lug leh dagaalka bariga Sool ay doonayaan inay mijo xaabiyaan xuddunta nabada ee Geeska Afrika

Hargeysa (Dawan)- Wargeyska caanka ah ee Le Figaro Magazine oo ka soo baxa dalka Faransiiska ayaa warbixin dheer oo uu dhawaan daabacay kaga hadlay horumarka, Nabadgelyada, Ganacsiga iyo Dimuqraadiyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland u hirgalay 32-kii sannadood ee la soo dhaafay, iyadoo aan haysan aqoonsi caalami.

Suxufi ka tirsan Wargeyskaas caanka ah ee Le Figaro, ayaa booqday magaalooyinka Hargeysa, magaalada dekedda ah ee Berbera iyo Burco, waxaanu u kuurgalay ganacsiga, horumarka iyo xasiloonida buuxda ee ay Somaliland kaga duwan tahay tahay Soomaaliya oo ay warbixintu tilmaantay inay xuddun u noqotay nabadgelyo darro iyo kooxaha argagixisada ah.

Warsiduhu wuxuu sheegay in dhaqaalaha bulshada Somaliland ay ku tiirsan tahay ay yihiin Boqolkiiba Toddobaatan Xoolaha nool, waxaanu xusay in moosinka xajka oo kaliya ay dekedda Berbera ka dhoofaan xoolo gaadhaya saddex milyan oo neef oo Adhi ah, kuwaasi oo loo iib-geeyo Boqortooyada Sucuudiga.

Le Figaro Magazine wuxuu sharraxaad ka bixiyay in Somaliland oo ah dal aan la aqoonsani, haddana uu is bixiyay oo uu samaystay dawladnimadiisa gaarka ah oo ay leeyihiin Calan, Ciidan, Lacag, Baasaboor iyo ganacsi oo ay dimuqraadiyad ka hirgeliyeen mandaqad qalalaase joogto ahi ka jiro.

Wargeysku wuxuu sheegay in bogcada istaraatajiga ah ee ay Somaliland ku taallaa, sababtay inay masaalix ganacsi dalalka adduunka qaarkood la yeeshaan Somaliland, gaar ahaan Imaaraadka Carabta oo dekedda Berbera ku maalgelinaya dhaqaale ka badan 500 oo Milyan oo Doolar.

Waxa kale oo uu tilmaamay in Somaliland oo uu Ingiriisku xukumi jiray ay xornimadeedii ka qaadatay Ingiriiska sannadkii 1960kii, kadibna ay la midowday Soomaaliya. Waxaanay sheegeen in Somaliland ku doodo in xudduudaha dalalku lagu salleeyo sidii uu gumaystuhu uga tagay.

Suxufiga ka socday Le Figaro Magazine wuxuu la kulmay Ergayga wadahadallada u qaabilsan Somaliland Drs. Edna Aadan, waxaanay u sheegtay in aanay ka werwerin joogitaankooda Somaliland oo ah mid nabdoon oo xasilooni ka jirto.

Warsidahaasi wuxuu iftiimiyay in dagaalada bariga Sool ka socda oo ay ku lug leeyihiin maleeshiyo qabaa’il iyo kooxo argagixiso ahi, oo ay doonayaan inay mijo xaabiyaan Jamhuuriyadda Somaliland oo ah xuddunta nabadda ee mandaqada Geeska Afrika.